Breaking NewsHORSEEDSomali premier leagueWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maxaa dhexmaray kooxaha Raadsan & Horseed kulankoodii wejiga labaad ee horyaalka S.P.L ?

Kooxaha kubadda cagta ee Raadsan iyo Horseed ayaa wada ciyaaray kulan ciyaareed kutirsanaaa wejiga labaad horyaalka dalka, kaasi oo si xiiso leh uga socda caasimadda gaar ahaan garoonka weyn ee Stadium Muqdisho oo hadda wejiga labaad lagu ciyaarayo..

Kulanka labada kooxood ayaa aad u adkaa waxaana uu ku biloowdey kubad dhexda u badneyd oo dhinacyadu ay aad isu gaad gaadayeen, waxaana xusid mudan in kooxda Horseed ay dhexda soo buuxisey iyagoo kubadaha dhex heysashada aad ugu wanaagsan, halka Raadsan qeybaha Daafaca iyo Garbaha ay ku badneyd,Ma jirin Fursado sidaa u badan oo ay sameeyeen labada dhinac waxaana qeybtaasi lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.

Markii dib loo soo laabtay ayey labada tababare sameeyeen dadaal iyo boosas kala bedel ciyaartoyda ah, hase yeeshee waxba kama bedelin kubadda kooxdiisa, iyadoo dhanka Horseed ay sameeyeen isbedelo hase yeeshee guud ahaan waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxay kusoo dhamaatay gool la’aan 0-0, waxaana xusid mudan in garsoore Xasan Baari ilaa 5 kaarka digninta ah uu kala siiyey labada dhinac Raadsan oo 3 ah iyo Horseed oo 2 kaar qaadatay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button