AFRICANewsSomali premier leagueSomali youth league.SOMALI YOUTH SOCCERSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTAworld cup 2018

SAWIRRO: Tababaraha Cusub ee hogaamin doona Xulka Soomaaliya oo dalka soo gaaray

Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya ayaa waxaa uu magacaabay dhowaan Tababare cusub oo u dhashey dalka Morocco, kaasi oo soo gaaray Magalada Muqdisho ee caasimadda dalka si uu shaqadiisa u bilaabo,

Tababarahan oo lagu magacaabo Salef Abdellatif ayaa kasoo duulay dalka Belgium ee qaaradda Yurub halkaasi oo uu kasoo shaqeeyay, isagoo la hadlayey Astaan Sports waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado dalka Soomaaliya.

“Waan ku faraxsanahay Shaqada cusub aan u bilaabayo Xulka Soomaaliya iyo sida la iigu soo dhoweeyay halkaan, hadda ma kala garanayo ciyaartoyda laakiin wax waliba waxay noqon doonaan si si wanaagsan ayuu yiri”

Xulka Qaranka Soomaliya ayaa Tababare la’aan ahaa mudo waxaana hadda la filayaa iney isku diyaariyaan tartanka cusub ee Carabta iyagoo bisha June la ciyaari doona xulka wadanka CUMAAN.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button