Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda Elman Oo Taako U Dhigtay MCC Kulan Ka Tirsanaa S.P.L.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa ku bilaawatay dar dar xoogan iyadoo lagu ciyaarayay garoknka Muqdisho Stadium, waxaana jiray fursado ay heleen kooxda Elman daqiiqadihii ugu horreeyay ee kulanka waxaana fursadahaasi ka badbaadiyay goolhaye Saciid yamani oo shabaqa u ilaaliyo kooxda MCC.

Kooxda kubada cagta MCC ayaa qabatay hoggaanka ciyaarta daqiiqadii 5-aad kadib markii uu shabaqa kooxda Elman ku hubsaday gool lambarka 2-aad Siduu Kamaara kubad uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta 18-ka wuxuna ciyaarta ka dhigay 1-0, hase yeeshee waxaa dhaawac ciyaarta looga saaray goolhaye Saciid Yamani taas oo dhabar jab ku noqotay kooxda MCC daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta oo lagu beddalay goolhaye Cabdirashiid oo ah goolhaye da,yar.

Kooxda kubadda cagta Elman oo ka faa”iideysatay dhaawaca soo gaaray goolhaye Saciid Yamani ayaa heshay gool kulaad daqiiqadii 32-aad waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay weerayahankooda lambarka 93-aad Maxamed Kylan kaas oo ciyaarta ku soo celiyay 1-1, hase yeeshee labo daqiiqo kadib waxey heleen gool kale naadiga Elman kaasi oo shabaqa MCC ku hubsaday Lambarka 7-aad Xamza Xasan daqiiqadii 34-aad kubad uu ka laaday gudaha diilinta ganaaxa goolkaasi oo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo hoggaanka kula warreegtay kooxda Elman.

Dhanka kale kooxda kubadda cagta Muqdisho City oo dadaal ku bixisay ineysan lumin hoggaanka horyaalka ayaa iska soo barbareysay ciyaarta kadib markii kubad uu soo laaday Xasan Santoos ay ku dhacday daafaca kooxda Elman Muwenda taasi oo gees ka gashay shabaqa naadiga Elman daqiiqaadii 45-aad goolkaasi ayaana ciyaarta ku soo celiyay 2-2 oo lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad waxey labada dhinac la soo laabteen ciyaar awood ahaan garbo siman ku socotay, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-2 ay iskumari waayeen kooxaha Muqdisho Iyo Elman Fc.

Garsoore Xasan Kaafi Shiine oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay 90-ka daqiiqo ee ciyaarta illa iyo 5-kaar oo ah kaar digniinta waxaana saddex kamid ah loo taagay xiddigaha kooxda Elman ee kala ah Nuune Haashime, Nuur To To iyo Mahad Bare halka labo kaar la siiyay Ciyaartoyda kooxda MCC xiddigaha kala ah Cali Cumar iyo Cabdimajiid Cusmaan oo weerarka ugu ciyaaro MCC.

Si kastaba kooxda Muqdisho City ayaa wali hoggaanka horyaalka kaga hayso hal dhibic naadiga Raadsan oo kaalinta labaad ku jirto Muqdisho City ayaa leh 23-dhibcood halka kooxda Elman oo ku jirto kaalinta 7-aad ay leedahay 10-dhibcood.

WQ/Daacad

May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 15 people, people standing and text that says "ς LeVI's 4 ZA2ZSPORTS SPORTS HOUSE WELCOME HOME LEGEND ABDI AXMED (CABDI BASKET) ww.a2zsportshouse.com 0614210606 www.astaansports.com HNGR @astaansports f Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 13 people and people standing
May be an image of 11 people, people standing and text
May be an image of child, american football, standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport and standing
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of 2 people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing sport and grass
May be an image of 2 people and text
May be an image of 36 people and people standing
May be an image of text that says "S TN 2-2 MCC CRM ELMAN SOMALI PREMIER LEAGUE www.astaansports.com @astaansports f Astaan Sports @astaansports (” Sports"
May be an image of 5 people and people sitting
May be an image of 2 people and people sitting

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button