AFRICABreaking NewsDAKADDAGAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Dekedaha iyo Laacibkooda cusub oo meel iska saaray dhiggooda Gaadiidka Horyaalka S.P.L

Naadiga kubadda cagta ee Dekedda ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhiggeeda Gaadiidka kulan ciyaareed qeyb ka ahaa wejiga labaad ee horyaalka sare ee dalka Somali Premier league 2020-2021, kaasi oo iminka si xiiso badan uga socda garoonka weyn ee Muqdisho.

Kulanka labada kooxood ayaa ku biloowdey dar dar culus ay qaadayeen dhinacyadu gaar ahaan kooxda Dekedda o ku faaaneysa xiddigaheeda cusub gaar ahaan weeraryahanka lagu magacaabo Anwar Shakuunda kaasiii oo kaga soo biirey kooxda Elman, waxaana Anwar hogaanka u dhiibay kooxda kahor daqiiqadii 3-aad markii uu madax ku dhaliyey kubad aad looga soo shaqeeyay oo uu garabka kasoo qaaday Adelani Yuusuf,

Daqiiqadii 18-aad ayey kooxda Dekedda u suurta gashay iney sii dhereeyaan hogaanka markii Kubad daba mareyn ah oo lasoo dafay uu shabaqa dhigey lambarka 21-aad dekedda Adelani yusuf kahor inta aysan Gaadiidka gool ku sigin goolhayaha dekedda, waxaase qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan kooxda Dekeddaha.

Markii lasoo laabtay ayey kooxda Gaadiidka sameeysay fursado goolal ku dhalin kartey waxaana ka qasaartay ilaa 3 fursad oo ay dhalin kareen, waxaana xusid mudan in Anwar Shakuunda daqiiqadii 77-aad uu markale Madaxa ku dhaliyey goolkii 3-aad iyo goolkiisii 2-aad ee galabtiisiii ugu horeeysay u safto kooxda Dekeda, wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 3-0 oo Dekedda guushu ku raacday, iyadoo Xiddiga Garoonka Man of The Match Qorayaasha Astaan Sports u aqoonsadeen ANWAR SID CALI (SHAKUNDA) OO Dekedda u dheela.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button