Breaking News

SAWIRRO: Kooxaha Heegan & Jeenyo Oo Ku Heshiiyay Barbaro Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka S.P.L.

Ciyaartan oo u dhexeesay kooxaha Heegan Iyo Jeenyo ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Stadium waxeyna ka tirsanayd wejiga labaad ee horyaalka dalkeena Somaali Premier League,

Kulanka ayaa ku biloowday weerar iyo iska caabin waxaana qaybtii hore ee ciyaarta jiray fursado ay abuureen xiddigaha naadiga Heegan balse ay iska difaaceen ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Jeenyo oo soo bandhigay ciyaar taxadarkeedu badnaa qaybtii hore ee kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 oo lisku mari waayay labada dhinac.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxey labada dhinac soo bandhigeen ciyaar awood ahaan garbo siman ku socotay walloow ay jireen fursado halis ah labada dhinac, daqiiqadii 66-aad waxaa hoggaanka ciyaarta kooxdiisa Jeenyo u dhiibay lambarka 17-aad Ismaaciil Suleymaan Weydoow kaasi oo mel ka baxsan diilinta ganaaxa ka toogtay goosha kooxda Heegan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Hase yeeshe saddex daqiiqo ayey kaga jawaabeen naadiga Heegan goolka barbaraha ciyaarta waxaana qalad uu lahaa goolhayaha kooxda Jeenyo C/casiis ka faa”iideystay lambarka 11-aad Cabdirizaaq Cali Maara daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta kadib kubad uu ka soo tuuray goosha kooxda heegan Suleymaan Siid Cali taasoo lugta la waayay goolhayaha kooxda Jeenyo waxaana dhameystiray Maara, natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 1-1 oo labada kooxod ay ku heshiiyeen.

Garsoore Xasan Kaafi Shiine oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay calaamado isugu jiro guduud iyo hurdi waxaana kooxda Jeenyo uu siiyay calaamada hurdiga lambarka 12-aad Yaasir C/raxmaan daqiiqadii 56-aad halka kaarka labaad ee casaanka uu qaatay daqiiqadii 85-aad kadib markii uu isku tuuray diilinta ganaaxa sidaasi ayaa ciyaarta looga saaray Yaasir C/raxmaan, halka sidoo kale Jeenyo calaamada hurdiga loo taagay weeraryahankooda lambarka 25-aad Mugisha daqiiqadii 90-aad ee kulanka.

Dhanka kooxda kubadda cagta Heegan waxaa calaamada hurdiga loo taagay Abdikaadir Siidoow daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta mana jirin kaar kale oo loo taagay xiddigaha kooxda Heegan.

Si kastaba kooxda kubadda cagta Heegan oo ku jirto booska 3-aad ayaa leh 20-dhibcood waxaana booskaasi ka saaran karto Horseed haddii ay guul gaarto kulanka ay ciyaari doonto todabaadkan halka naadiga Jeenyo oo fadhiso booska 5-aad ay sii joogi doonto booskaas maadaama ay leedahay 16-dhibcood kooxda ku soo xigtana ay leedahay 11-dhibcood waana kooxda Dekaddaha.

WQ/Daacad

May be an image of 12 people, people standing, grass and text that says "၆ SPORTS AT GAN HEEGAN 스9z HEEGAN EEGAN FC HEEGANFC EEGAN NEEGAN HEEGAN www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 10 people, people standing and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, child, people sitting and text
May be an image of 3 people, people standing, people playing sport, grass and text
May be an image of 1 person and standing

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button