Breaking NewsHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Horseed oo ka talaabsatay Midnimo kulankoodii galabta ee Horyaalka dalka

Kooxda Ciidanka xoogga ee HORSEED yaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Midnimo Fc kulan ciyaareedkoodii kutirsana wejiga lbaad ee horyalka sare ee dalka Somali Premier League 2020-21, kaasi oo galabta ka dhacay garoonka weeyn ee Muqdisho Stadium, iyadoo kulankaasi ay goob joog u ahayeen taageerayaal katirsan labada kooxood.

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii ugu horeeysay waxaa hogaanka qabtay kooxda HORSEED gaar ahaan daqiiqaddii 13-aad markii kubd fiican oo uu kasoo shaqeeyay Joshua abdul uu si qurux badan u dhaliyey Cabdalla Qubaaye oo lambarka 8-aad u xira Horseed, labo daqiiqo kadib waxaa markale shabaqa tegey ciyaryahan Nuur Cumar Xeydar oo lambarka 15-aad qaata kahor inta uusan goolhayaha Midnimo soo difaacin kubad uu ku laaday Farxaan Xiddig,

Laakiin MIdnimo isma dhiibin waxayna sameeyeen dadaaal badan taasoo ugu suurtagashay iney helaaan Gool-Kulaad markii dafac Horseed oo lagu magacaabo Cabdalla uu diilinta dhexdeeda ku jalaafay ciyaaryahan Midnimo waxaana gool u bedelay Cabdullahi aadan Maxamed oo lambarka 16-aad u qaata, hse yeeshee hadii Midnimo neefta kusoo noqotay xoogaa, waxaa mar kale halkeedii ku celiyey Weeraryahan Nuur Cumar Xeydar oo gool qurux badan gees ka dhaliyey waana goolkiisii labaad ee kulanka, isagoo sidoo kale lagu galay qalad gool-kulaad ah daqiiqadii 42-ad waxaase gool u bedelay Farxaan Xiddig oo lambarka 10-aad qaata sida ayaa lagu kala nastay 4-1 Horseed hogaanka ku heeysay,

markii lasoo laabtay daqiiqadii 77-aad ayeey kooxda Horseed heshay fursad wanaagsan markii CADAANI BARRE uu birta ku dhuftay kubad uu usoo qaaday ciyaaryahan Xassan Xasaasi laakiin markale daqiiqdii 80-ad kubad uu soo dhigey weeraryahan Bille Muxyadiin Buraalle ayaa waxaa si fiican u dhaliyey si xarako ah Lambarka 10-aaad ee Horseed Farxaan Xiddig oo golkiisii labaad iyo midkii shanaad kooxda halkaa ku dhaliyey, markii danbe dhamaadkii daqiiqadii 90-aad ayuu Mutebi peter Mutebi Midnimo u dhaliyey goolkii labaad waxayna sheekada kusoo dhamaatay 5-2 oo Horseed guushu ku raacday.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button