Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda K/Cagta Muqdisho City Oo Sii Dheereysatay Hoggaamka Horyaalka S.P.L

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City ayaa galabta sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Somaali Premier League kadib guul ay ka gaartay naadiga kubadda cagta Geeska Afrika ciyaar ka dhacday garoonka Muqdisho Stadium wejiga labaad ee horyaalka Somaali Premier Legue.

Kooxda kubadda cagta MCC oo ku gacan sareysay kulanka ayaa hoggaanka ciyaarta la warreegtay daqiiqadii 21-aad kadib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Feysan Xasan Xaashi taas oo keentay in garsoorka uu ka dhigo gool kulaad kooxda Geeska Afrika, waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay lambarka 10-aad Feysal Xasan Xaashi wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 oo kooxdiisa MCC hoggaanka ku qabatay.

Weerayahanka kooxda MCC Feysal Xasan Xaashi oo galabta bandhig wanaagsan muujiyay ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreyay ee horyaalka hadda socdo saddex gool ku dhaliyo garoonka Muqdisho Stadium ayaa mar kale shabaqa kooxda Geeska Afrika ku hubsaday kubad uu banaanka soo dhigay Xasan Santoos daqiiqadii 31-aad ee kulanka, waxaana qaybtii labaad lagu kala nastay 2-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda MCC.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda MCC ayaa sii wadatay bandhiga goolasha waxaana goolkii saddexaad u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 2-aad Kamaara Siduu Kamaara oo daqiiqadii 55-aad shabaqa dhex dhigay kubad uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa waana goolkii labaad uu sidan oo kale u dhaliyo iyadoo tudabaadkii hore uu kooxda Elman ka dhaliyay goolkan oo kale.

Bandhiga goolasha kooxda MCC waxaa soo gabagabeeyay Feysal Xasan Xaashi kadib markii goolhayaha kooxda Geeska Afrika uu ku jilaafay diilinta ganaaxa daqiiqadii 76-aad waxeyna aheyd gool kulaadkii labaad ee galabta laga dhigay kooxda Geeska Afrika natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 4-0 ay ku adkaatay kooxda MCC.

Garsoore C/fitaax Saciid Mire oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka hurdiga wuxuuna kala siiyay labada dhinac kaarkii ugu horreeyay kulanka waxaa loo taagay lamabarka 5-aad ee kooxda G/afrika Maxamed Maxamuud Cali daqiiqadii 41-aad qaybtii koowaad halka kooxda MCC loo taagay Axmaded Cabdullaahi Baanuu daqiiqadii 61-aad qaybtii labaad ee ciyaarta.

Si Kastaba Kooxda kubadda cagta Muqdisho City ayaa hoggaanka horyaalka S.P.L ku hayso dhibco gaarayo 26-dhibcood halka kooxda Geeska afrika oo wax guul ah aan gaarin 11-kulan ay leedahay kaliya labo dhibcood waxeyna ku jiraan kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka Somaali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 1 person, child, playing American football, standing, grass and text
May be an image of 11 people and people standing



May be an image of 10 people, people standing and text
May be an image of 9 people, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport and outdoors
May be an image of 1 person, playing American football and outdoors


May be an image of 4 people, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, outdoors and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football and outdoors
May be an image of 1 person, playing American football, grass and text that says "ငി T AOZ www.astaansports.com @snsorts Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"


May be an image of 10 people, people standing, outdoors and crowd
May be an image of 17 people, people standing, crowd, outdoors and text that says "S SPORTS OHLER ADISHO CITY CLUB www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button