Somali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maxaa ka dhacay kulankii kooxaha Raadsan & Gaadiidka ee Horyaalka Dalka S.P.L ?

Kooxaha kubadda cagta ee Gaadiidka iyo Raadsan ayaa garoonka weyn ee Muqdisho ku wada ciyaaray kulankoodii Wejiga labaad ee horyaalka sare ee dalka Somali premier league 2020-21, kaasi oo caasimadda si xiiso badan leh uga socda, waxaana kulanka labada kooxood soo xaadirey qaar katirsan taageerayaashooda iyo martisharaf kale.

Kulanka oo ku biloowdey dar dar weerar iyo weerar celis ayaa kooxda kooxda Raadsan waxay heleen fursad daqiiqadii 23-aad laakiin waxaa badbaadiyey gool celiyaha Gaadiidka halka sidoo kale isla daqiiqadii gaadiidka fursad fiican abuureen, hase yeeshee goolhaye Yuusuf lambaza ayaa diiday, laakiin waxay sheeko isbedeshay markii daqiiqadii 29-aad ciyaaaryahanka khadka dhexe kooxda Raadsan Donato Okelo uu meel ka baxsan diiilinta ganaaxa kasoo toogtay laad xoog badan oo ku habsatay shabaqa kooxda Gaadiidka,

Sidoo kale Weeraryahan Jibriil fariid oo Raadsan katirsan ayaa sameeyay fursad kale hogaanka kusii dheereyn kareen laakiin uma suurto gelin, waxayna taasi sababtay in kooxda Gaadiidka ay soo qaadan weerar culus oo ugu danbeystii dhamaadka daqiiqadii 45-aad keentay iney Laad Toos (Free Kick) si qurux badan ugu dhaliyo Weeraryahan Nicolas Kigawa, waxaana lagu kala nastay 1-1.

Markii lasoo laabtay ayey Tababarayaasha labada dhinac sameeyeen Shaqo adag iyo Is bedelo,hase yeeshee waxba kuma soo kordhin natiijada labada dhinacba wuxuuna kulanka guud ahaan daqiiqadihii loogu talo galay seeriga kaga dhawaajiyey garsoore caalami Cumar Cartan 1-1, waxaana natiijadan ay dhibaato ku tahay labada kooxood gaar ahaan Raadsan oo iyagu eeganayey kooxda Hogaaanka heeysa ee MCC oo hadda sii dheereysatay hogaaminta markii ay guul gaareen kulankoodii shalay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button