Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Natiijo Nuucee Ayaa Laga Soo Calaamadeeyay Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Elman & Dekaddaha S.P.L

Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Elman iyo Dekaddaha kana tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League Wejigiisa labaad ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka caalamiga ah ee Muqdisho Stadium.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag waxey labada dhinac muujiyeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis awood ahaana ku socotay garbo siman, weeraryahanka kooxda kubadda cagta Dekaddaha Anwar Shakundha ayaa kooxdiisa ka khasaariyay gool kulaad daqiiqadii 19-aad kadib khalad uu galay goolhaye Axmed Qaacshe hase yeeshee isla isaga ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay gool kulaadkaasi.

Dhanka kale kooxda Elman Fc ayaa markooda helay kubad gool kulaad aheyd kadib markiii diilinta ganaaxa lagu jilaafay lambarka 22-aad ee kooxda Elman Julius waxaana Gool kulaadkaasi gool u beddalay weeraryahanka lambarka 93-aad Maxamed Kylan daqiiqadii 28-aad qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay hoggaanka ku haysay Naadiga Elman Fc.

Marka dib la isugu soo laabtay weeraro ay sameeyeen ciyaartoyda kooxda Dekaddaha ayaa iska soo barbareeyay goolka lagu lahaa waxaana goolkaasi si qurux badan u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 23-aad Asagwou Emeka daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta caawin uu ka helay Edelaani Yuusuf, wixii intaa ka dambeeyay waxey labada dhinac sameeyeen fursado, hase yeeshee ma aheyn fursadahaasi kuwo goolal ay ku dhasheen natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-1 ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Garsoore Xasan Kaafi Shiine oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay 90-ka daqiiqo ee ciyaarta illaa iyo shan kaar oo ah kaarka hurdiga ee digniinta waxaana saddex kamid ah loo taagay ciyaartoyda kooxda Dekaddaha Emanual Abayomi, iyo Adelaani Yuusuf oo qaybtii hore loo taagay halka qaybta labaad la siiyay Cali Cabdi Aadan oo beddal ku soo galay kulanka.

Dhanka naadiga Elman waxaa loo taagay qaybtii hore kabtankooda Nuur To To halka qaybta labaad la siiyay Nuur iraad oo ciyaarta beddal ku soo galay qaybttii labaad.

Si kastaba kooxda Dekaddaha oo ku jirto kaalinta 6-aad ayaa leh 12-dhibcood halka Elman oo ku jirto booska 8-aad ay isku dhibco yihiin Kooxda Gaadiidka min 11-dhibcood Elman ayaana kusii jiri doonto kaalinta 8-ad ee kala sareynta horyaalka Dalka S.P.L

WQ/Daacad

May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, child, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 1 person, playing American football and standing
May be an image of 1 person, child, playing American football, standing and grass
May be an image of 5 people, people playing American football and people standing
May be an image of one or more people, people standing, people playing sport and grass
May be an image of 3 people, people playing sport, people standing and outdoors
May be an image of child, standing and outdoors
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, standing and playing American football

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button