GAADIIDKASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Midnimo FC oo guul kale oo muhiim ah ka gaartay mid kamid ah kooxaha waaweyn

kooxda kubadda Cagta ee Midnimo oo kamid ah kooxaha heerka koobaad ee ka qeybgalaya horyaalka sare SPL ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Gaadiidka  galabta markii ay ku wada ciyaareen garoonka weyn ee Muqdisho Stadum kulan ciyareed qeyb k ah wareeg labaad ee horyaalka  sare fasal ciyareedka 2020/21.

Kulanka labada koox ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis iyadoo kooxda Midnimo aysan waxqti dheer ku qaadan iney kulanka hoganka u qabato markii daqiiqadii 6-ad kubad geeska laga soo qaday uu madax qurux badan ku dhaliyey ciyaryahanka lambarka 21-aad u qaata oo lagu magacabo Matudi. Waxay kooxda Midnimo halka kasii waday weerar iyadoo daqiiqadii 15-aad kubad halis ahayd birta ku garaaceen, niclos kigawa ayaa sigay inuu soo celiyo markii free kick uu sigay.

Lakiin markale Ciyaryahan Matubi ayaa Shabaqa kooxda Gaadiidka dhigey gool labaad daqiiqadii 33-aad kubad uu gees ka keenay oo uu isku saray gool celiyaha Gadiidka iyadoo daqiiqadii 38-ad markale ciyaaryahan Cabaas oo Midnimo katirsan Birta kubad ku garacay hase yeeshee waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay Midnimo hogaanka ku heeysay,

Markii lasoo laabtay qeybta Labaad ayey Gaadiidka sameeyeen isku dayo ay ku beegsanayeen shabaqa Midnimo hase yeeshee daafacyada Midnimo ayaa ad u dadaalayey, waxaana xusid mudan in daqiiqadii 86-aad in Ciyaryahan C/raxman Qaliif uu gool usoo celiyey kooxdiisa Gadiidka wuxuuna kulanku kusoo dhamaday 2-1 oo ay guushu ku Raacday kooxda Midnimo FC,

 KULANKA: Horyaalka Sare S.P.L

KOOXAHA: Midnimo fc vs Gaadiidka

GAROONKA: Stadium Muqdisho

QEYBTA KOOBAD: Midnimo 2-0 Gadiidka

NATIIJO: Midnimo  FC 2-1 Gaadiidka

GOOLASHA: Matubi Peter 2 Midnimo 6 & 21 daqiiqo

                      C/Raxman Qaliif 1-Gaadiidka 86 daqiiqo

KAARKA DIGNIINTA:  2 Gadiidka Marko awosi,Cabdalla Cali

                                    2-Midnimo Cabaas gees & Makulo

GARSOORE: C/Fataax Siciid Mire.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button