Breaking NewsGAADIIDKAHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Horseed oo Garbaha ka riftay Guul muhiim ahna ka gaartay Gaadiidka kulankii galabta S.P.L

Kooxaha kubadda cagta ee Horseed & Gaadiidka ayaa galabta wada yeeshay kulan kutirsan wejiga labaad horyaaalka Somali Premier league kaasi oo ka dhacay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Kulanka labada koox ayaa ahaa mid adag oo weerar iyo weerar celis ku biloowdey iyadoo kooxda Horseed ay muujisey fir fircooni waxaana u suurta gashay in daqiiqadii 18aad ay helaan gool Waxaa u dhaliyay xidigooda lambarka 22aad Joshua Abdul waxaa caawiyay Farxan xidig.

Horseed ayaa markale heshay gool 2aad waxaa u dhaliyay xidiga lambarka 15aad ee Nuur Cumar Xeydar daqiiqadii 34aad waxaana mar kale caawiyey isla Farxaan Xidig,waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen Horseed.

Markii dib loo soo laabtay qeybta 2aad ayey kooxda Horseed mar kale sii dheereysay hogaanka waxaa gool u dhaliyay ciyaaryahankooda lambarka 28aad Ibraahim daqiiqadii 65aad iyadoo xiddiga caawinta uu ahaa markale farxaan xidig

Ciyaaryahanka lambarka 10aad Farxaan Maxamed Axmed (farxaan Xidig) ayaa Gool qurux badan Madaxa ku dhaliyey daqiiaadii 68aad waxaa markaan ka caawiyay kubad Gees kalaad aheyd sxbkiis Ibraahim Ilyaas, waxaase sheekada soo qatimay werararyahan Bile Muxudiin Buraale oo daqiiqadii 93aad natiijada kusoo xiray 5-0 oo kooxda Horseed guushu ku raacday.

Garsoore Xassan Kaafi ayaa bixiyey Kaarar badan oo Digniin ah oo ay kala qaateen labada dhinac dhanka Gaadiidka waxaa qaatay Lambarka 8aad Feysal aadan daqiiqadii 16aad, lambarka 23aad Mark Awuso daqiiqadii 40aad, Feysal Carab lambarka 15aad iyo C/jibaar Shariif oo lambarka 12aad xirta.

Dhanka kooxda Horseed waxaa la siiyay Lambarka15aad Nuur Cumar daqiiqadii 23aad, lambarka 18aad hanad maxamed daqiiqadii 27aad, Ibraahim ilyaas lambarka 28aad daqiiqadii 59aad iyo Zakariye Nuur daqiiqadii 71aad,

Iyadoo Xiddiga Garoonka (Man of the Match) aynu u aqoonsanay Farxaan Xiddig lambarka 10-aad ee Horseed ayaa dhanka kale Natiijadaan waxay kooxda Horseed markale kusoo celineeysa kursigeeda 2-aad ee kala horeynta oo shalay si kmg ah u fariisatay kooxda Heegan waxaana hadda Horseed ay leedahay 25-dhibcood 23 kulan oo ay dheeshay, halka Gaadiidka ay xaaladda kusii xumaaneyso maadaama ay leedahay keliya 12 dhibic 13 kulan ciyaareed oo ay dheeshay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button