SAWIRRO: Muxuu Ku Dhammaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Dekaddaha & Jeenyo S.P.L
Kooxaha Jeenyo iyo Dekaddaha ayaa galabta ku wada cayaaray garoonka Muqdisho Stadium, kulan cayaareed qayb ka ahaa wejiga labaad horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League Kulamadii 12-aad.
Kulankan oo ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab cayreed aad u wanaagsan oo ku dhisanaa weerar iyo weerar celis, walloow ay cayaarta ku gacan sareysay kooxda kubadda cagta ee Dekaddaha qaybtii koowaad,
Xiddigihii hore ee naadiga Jeenyo haddana u cayaaro kooxda Dekaddaha ayaa qaybtii hore soo taabtay shabaqa Jeenyo, waxaana goolka koowaad ku bilaaway Anwar Siid Cali Shakuundha caawin uu ka helay Asagou Emeka daqiiqadii 23-aad halka goolka labaad uu raacsaday lambarka 7-aad Daadir Xasan Xaashi daqiiqadii 36-aad waxaana lagu kala nastay 2-0 qaybtii hore ee kulanka ay ku hoggaamineysay Kooxda Dekaddaha.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka kooxda Jeenyo ayaa la soo laabatay dar dar xoogan taas oo keentay iney helaan gool waxaana u saxiixay lambarka 80-aad Xasan Cabdi Xasan daqiiqadii 46-aad kubad (Free Kick) aheyd uu soo laaday C/raxmaan Shimaali wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 hase yeeshee waxaa quusiyay kooxda kubadda cagta Jeenyo cayaaryahanka lambarka 16-aad Xaaji Macalim Aadan daqiiqadii 89-aad kaddib caawin uu ka helay Asagou Emeka, natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda Dekaddaha.
Garsoore Maxamed Nuur Muxudiin Somaali oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka hurdiga wuxuuna kala siiyay labada kooxood kooxda Dekaddaha waxaa loo taagay cayaaryahanka lambarka 17-aad Cabdi Weli Weliij daqiiqadii 54-aad, halka kooxda Jeenyo la siiyay lambarka 6-aad C/raxmaan Shimaali daqiiqadii 59-aad waxey aheyd cayaar aan khaladaad badan laga diiwaangalin.
Guusha ay gaartay kooxda kubadda cagta Dekaddaha ayaa ka dhigan iney leeyihiin 15-dhibcood iyagoo booska 6-aad ka saartay kooxda kubadda cagta Elman oo kulankoodii 12-aad aan cayaarin halka naadiga Jeenyo ay ku sii jiri doonto kaalinta 5-aad iyagoo leh 16-dhibcood kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League.
WQ/Daacad