SAWIRRO: Xulka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Kulan Tijaabo Ah La Ciyaaray Xulka Dhalinyarada Djibouti.
Xulka kubadda dalkeena soomaaliya ayaa kulan saaxiibtinimo kula cayaaray dalka Jabuuti xulka dhalinyarada Djibouti.
Cayaartan oo ahayd mid aan hore loo shaacin waxey xulka qaranka dalkeena soomaaliya ugu diyaar garoowayaan tartanka FIFA Arab Cup 2021 oo markii ugu horreysay xulka qaranka dalkeena ay ka qayb galayaan, waxaana xulka qaranka dalkeena Soomaaliya kulankooda ugu horreeya heerka is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup 2021 ay la cayaari doonaan xulka Cumaan, cayaartan ayaa la baasan doona 20-ka bishan June 2021
Kulanka saaxibtinimo xulka qaranka Soomaaliya ay la cayaareen xulka dhalinyarada Djibouti ayaa u ahaa mid ay ku tijaabinayeen awoodooda cayaareed ka hor kuanka isreeb-reebka ah ee xulka cumaan ay la cayaari doonaan,
Si kastaba xulka qaranka dalkeena soomaaliya ayaa 3-0 kaga adkaaday xulka dhalinyarada Djibouti waxaana xusid mudan in 12-cayaartoy ay ka baxeen dalkeena kuwaasi oo laga soo xulay kooxaha ka cayaaro horyaalka heeerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League, halk cayaartoyda kale ee ka kala yimaadeen daafaha caalamka wadamo kala duwan,
WQ/Daacad