Breaking News

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta Oo Shaqada Macalinimo Ka Ceyriyay Macalinkii Xulka Qaranka Abdellatif Salef,

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa  shaqada ka ceyriyay macalinka dhawaan loo magacaabay inuu hoggaamiyo xulka kubadda cagta soomaalliya macaqlin Abdellatif Salef,  oo ah muwaadin u dhashay Belgium asal ahaanna ka soo jeeda Morocco,

War qoraal ah oo ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, oo lagu shaaciyay websiteka Somali Football Federation, ayaa lagu cadeeyay shaqa ka ceyrinta macalin Abdellatif Salef,  

Bayaanka ayaa u qornaa ”Maanta oo ay taariikhdu tahay 15, June, 2021, waxaa shaqada macalinimo laga  ceyriyay Abdellatif Salef, oo ah muwaadin u dhashay Belgium asal ahaanna ka soo jeeda Morocco, kaas oo maamulayay xulka qaranka somaaliya wax ka yar seddex isbuuc markii loo magacaabay xilka tababaranimo ee Ocean Stars.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxa ay ku sheegeen bayaanka ay soo saareen  in tababaraha uusan laheyn xirfad dhanka macalinimo uu ku leyliyo xulka qaranka soomaaliya mana lahan  Dabeecad wanaag”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Ciyaartoyda kuma qanacsana tababarkiisa, madaama xirfadiisa iyo khibradiisa aysan aheyn mid uu ku leylin karo xulka qaranka, xitaa ma uusan la imaan qorshe tababar ”ayaa lagu yiri warbixinta iyadoo intaa lagu daray in tababaraha uu ku guuldareystay inuu la shaqeeyo kooxdiisa farsamada. Ceyrinta tababaraha ayaa timid dhowr saacadood ka hor inta aysan Soomaaliya la ciyaarin xulka Jabuuti ciyaar saaxiibtinimo fiidnimadii xalay oo talaado aheyd.

Si kastaba, Abdellatif Salef, waxaa loo magacaabay tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliya wax ka yar seddex isbuuc ka hor waxaana shaqada laga ceyriyay xalay oo ahyed Talaado kaddib markii lagu dhawaaqay.

WQ/Daacad

Abdellatif Salef: the Moroccan new coach of Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button