GAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Heegan oo Guul Soo laabasho Cajiib ah ka gaartay Gaadiidka Horyaalka S.P.L

Kooxaha Kubadda Cagta Heegan iyo Gaadiidka ayaa garoonka Muqdisho ku wada ciyaaray kulan kutirsan todobaadka 15-aad wejiga 2-aad horyaalka sare ee dalka, kadib labo todobaad oo uu hakad kujirey, kulanka labada kooxood ayaa ahaa mid adag oo labada dhan ay ku doonayeen iney guul qaadaan ugu yaraan, waxana xusid mudan in Gaadiidka uu hogaaminayey tababare cusub Daadir Amiin markii dhowaan ay ceyriyeen Macalinkoodii hore,

Kooxda Gaadiidka ayaa si dhaqsi ah u qabatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 2-aad waxaana xiligaa u dhaliyay lambarka 11aad Cabdislaan Daanya, kahor inta uusan gool qasaarinin weeraryahanka Heegan C/qaadir Eenow, kooxda Gaadiidka ayaana halkii kasii waday weerar xoogan ku qaadeysay goosha Heegan, taasoo markale ay ku heleen Goolkii 2aad Gaadiidka Waxaa u saxiixay lamabrka 7-aad Emeroneya Chedeberi daqiiqadii 31aad kaasi oo dhaliyay gees laad toos ah ama koorno aan la taaban, kooxda Gaadiidka ayaa sii dheereysan karay hogaanka sababtoo ah waxaa ay heleen gool kulaad daqiiqadii 38-aad waxaana laga qabtay lambarka 7-aad Emeroneya Chedeberi,

Isla qeybtaasi koobaad ayuu garsoore caalami Cumar Cartan markale dhigay gool kulaad uu qaladkeeda lahaa lambarka 12aad Cabdijabaar waxaana lagu galay lambarka 9aad Abdikadir Eennow waxaase gool u beddalay Lambarka 11aad Abdirizaaq Maxamed Cali Maara daqiiqadii 45aad, sidaa ayaana lagu nastay qeybtaasi koobaad 2-1 Gaadiidka ku hogaamineysay,

Markii dib loo soo laabtay ayey labada dhinac sameeyeen isku dayo dhowr ah, waxaana markale Goolkii 2aad heshay kooxda Heegan
Waxaa u dhaliyag Lambarka 6aad Abdikadir Siidow Seyga Ruushka qaqiiqadii 50aad, heegan ayaana u muuqatay mid ciyaar wanaagsan lasoo baxday qeybta danbe ee kulanka waxaana ay ugu danbeystii heshay goolka guusha waxaana u saxiixay xiddigooda lambarka 11aad Abdirizaaq Maxamed Cali Maara daqiiqadii 58-aad Caawin uu ka helay Maxamed Abduraxman wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 3-2

Ma jirin wax ciyaaryahan oo uu garsoore cartan ka saaray ciyaarta hase yeeshee waxaa kaararka digniinta loo taagay Cabdulle Cabdullaahi,oo Heegan katirsan iyo Feysal aadan oo Gaadiidka u dheela.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button