SAWIRRO: Muxuu Ku Dhammaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Dekaddaha & MCC Ee Ka Tirsanaa S.P.L.
Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Muqdisho City iyo Dekaddaha kana tirsanaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad S.P.L tudabaadkii 14-aad ayaa lagu cayaaray garoonka Muqdisho Stadium, waxaana garoonka soo camiray taagrerayaal aad u badan oo kala taageeraayay labada dhinac.
Cayaarta labada kooxood ayaa ku bilaawatay dardar xoogan waxaana daqiiqadii koowaad fursad halis ah laga badbaadiyay Cabcasiis Catoosh kaddib markii uu ku tuuray goosha kooxda Dekaddaha kubad aheyd laadka xurta (Free Kick) waxaana ka bixiyay goohaye Xasan Ibraahim oo shabaqa u ilaaliyo naadiga Dekaddaha, qaybtii koowaad waxaa jiray fursado kale ay abuureen labada kooxood waxaana la isku mari waayay 0-0 oo lagu kala nastay, walloow fursadaha ugu badan ay soo mareen xiddigaha kooxda MCC.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad oo socoto shan daqiiqo garsoore Xasan Baari ayaa cayaarta ka saaray daafaca kooxda Dekaddaha Emanuel oo qaatay calaamada casaanka kaddib markii uu afka hore diilinta ganaaxa ku jilaafay weereryahanka kooxda MCC Demark Olivier daqiiqadii 50-aad, hase yeeshee isla qaladka laga dhigay kooxda Dekaddaha waxaa gool u beddelay cayaaryankii hore ee naadiga Dekaddaha Cabdicasiis Catoosh oo shabaqa ku hubsaday kubad aheyd laadka xurta (Free Kick) daqiiqadii 50-aad wuxuuna xushmad u muujiyay kooxdiisa hore isagoo aan sameeynin wax debaaldeg ah.
Dhanka kale cayaartoyda kooxda kubadda cagta Dekaddaha oo10-xiddig ku cayaarayay isma dhiibin waxeyna keensadeen goolka barbaraha cayaarta kaddib kubbad uu madaxa ku dhliyay lambarka 9-aad Anwar Shakunda caawin uu ka helay Adelani Yuusuf daqiiqadii 74-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 oo ay ku kala baxeen labada kooxood.
Garsoore Xasan Baari ayaa bixiyay kaar digniinta iyo kaarka guduudan waxaana kooxda Dekaddaha loo taagay xiddigaha kala ah lambarka 25-aad Emanuel daqiiqadii 1-aad iyadoo cayaarta laga saaray daqiiqadii 55-aad kaddib markii uu qaatay kaarkiisa labaad, sidoo kale kaarka digniinta waxaa loo tagay lambarka 6-aad Daa”uud Tubaal daqiiqadii 35-aad, lambarka 16-aad Xaaji Macalim iyo lambarka 14-aad Kabtan Cabaas Amiin oo loo taagay daqiiqadii 53-aad.
Dhanka kooxda MCC waxaa kaarka digniinta loo taagay lambarka 2-aad Kamaara Sidu daqiiqadii 53-aad lambarka 4-aad kabtan Ciise Cabduqaadir daqiiqadii 80-aad taas oo ka dhigan in naadiga MCC ay qaateen labo kaar halka 4 kaar oo ah kaarka digniinta iyo hal calaamad oo ah kaarka casaanka ay qaateen cayaartoyda kooxda Dekaddaha.
Si kastaba barbardhaca ay gashay kooxda MCC ayaa ka dhigan iney leeyihiin 30-dhibcood iyagoo hoggaanka kaga hayo naadiga heegan kaliya saddex dhibcood walloow haddii kooxda horseed kulanka beri ay soo adkaadaan looga heen doono hoggaanka labo dhibicood, halka kooxda Dekaddaha booska 5-aad kala baxday naadiga jeenyo ay wadaagaan min 16- dhibcood hase yeeshee Jeenyo ayaa haysato kulan baaqi ah.
WQ/Daacad