Breaking NewsELMANHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Horseed oo ka talaabsatay dhigeeda Elman SC kulankoodii Galabta S.P.L

Kooxaha Kubadda Cagta Hoseed iyo Elman sc ayaa wada ciyaaray kulan kutirsanaa todobaadka 17aad- wejiba labaad ee horyaalka heerka koobaad ee dalka kaasi oo ka dhacay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayna kasoo qeybgaleen taaageerayaasha labada naadi iyo Bahda kale ee jecel kubadda cagta,

Kulanka ayaa weerar iyo weerar celis ku biloowdey iyadoo fursado dhowr ah ay sigeen dhinacyadu gaar ahaan kooxda Elman ciyaaryahanka u dheela ee Nuur Tootow ayaa bilowgii hore sigay gool, sidoo kale Elman markale ayeey ku dhowaadeen iney hogaanka qabtaan, dhanka kooxda Horseed daqiiqadii 21-aad Farxaan Xidig ayaa birta kubad ku garaacay, markale qaadis uu sameeyey farxaan ayey ka baxsatay goolhayaha Elman laakin Nuur Messi oo ay u tagtay ayaan ka faaideysan si kastaba Maxamed keylon ayaa kubad fiican laga saaray dhamaadkii qeybta hore, wuxuuna kulanku qeybtaasi kusoo dhamaaday 0-0.

Markii dib loo soo laabtay keliya 2 daqiiqo markii ay socotay ayaa waxaa gool helay kooxda Horseed markii laacibka lambarka 10-aad farxaan xidig u baas dhex bixis fiican uu siiyey sxbkiis Ibraahim Ilyees kaasoo ka dhogay 1-0, daqiiqad kadib kooxda elman ayaaa u dhowaatay iney soo celiyaan deeynta lagu lahaa laakiin goolhayaha ayaa ka badbaadiyey,markale bashiir Bashka oo elman ayaa diilinta dhexdeeda ku qabsan waayey kubad halis ahayd,

Kooxda Horseed ayaa markale shabaqa gaaartay markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Horseed Fu’aad Nokia uu kubad fiican siiyey sxbkiis Caddaani Barre Ciise kaasoo si qurux badan u daba mariyey shabaq ilaaliyaha elman sidaana 2-0 guushu ku raacday kooxda Horseed oo hadda 2 dhibic keliya u jirta Hogaaamiyayaasha MCC.

Garsooraha kulmanka Maxamed Soomaali wax ciyaaryahan ah kama saarin garoonka, hase yeeshee wuxuu bixiyey ilaa 5 kaarka digniinta ah 3 waxaa la siiyey Elman halka Horseed 2 kaar ay qaateen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button