AFRICABreaking NewsOLYMPICSSomali youth league.SOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Safe Fly dalka Sweden oo Qalab Isboorts ugu deeqday da’yarta xaafadda Xamar Jadiid

Kooxda Safe Fly ee ka dhisan wadan Sweden ee qaaradda yurub ayaa Qalab Isboorts soo gaarsiisey dalka, gaar ahaan koox d’yar ah oo aad u jecel ciyaarista kubadda cagta kuwaa oo ka dhisan xaafadda Xamar jadiid ee degmada Warta nabadda,

Agabka ay kooxda Safe Fly soo gaarsiisey Da’yartaasi ayaa ah kuwa lagu ciyaaro kubadda cagta gaaar ahaan Funaanado,matantiyo Sigsaan iyo Kobaha waxaana kooxda Wakiil uga ahayd oo dadaal ku bixisey arintaan gabadha lagu magacaabo Jowhara Xaaji, oo ku dadaashay in qalabkaasi lasoo gaarsiiyo dhalinta jecel ciyaaraha ee ku dhaqan xaafaddaasi xamar jadiid,

Munaasabadda Qalabka lagula wareejinaayey dhalintaasi waxaa goob joog u ahaa, dhamaan ciyaaartoyda, macalimiintooda iyo taaageerayaashooda, waxaana sidoo kale goob joog u ahaa oo qalabka ku wareejiyey laacibiinta dalka gaaar ahaan Tababaraha kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali, iyo daafaca Kooxda Dekedaha Daa’uud Tubaal kuwaa oo sheegay in qalabkaasi uu kooxda kaga yimid dalka Sweden gaar ahaan kooxda halkaasi ka dhisan ee lagu magacaabo Safe Fly,

“waxaan si weyn ugu Mahadcelineynaa Kooxda Safe Fly iyo dhalinyarada gabdho iyo wiilal ee kooxdaasi, garashadooda ah, iney ka farxiyaan dhalinyaradaan aad u jeedaan iney ku ciyaarayeen funaanado kala gedisan oo midba midab lahayd, hadda runtii aad ayey ugu farxsanyihiin qalabkaan waana u jeedaan sida ay ugu qurux badan yihiin markii ay xirteen” sidaasi waxaa Astaan Sports u sheegay Tababare Axmed Tahliil oo Goobta ka hadlay.

Dhaamaan ciyaaartoyda da;yarta iyo Macalimintooda ayaa iyaguna goobta ka hadlay iyagoo si weyn ugu mahad celiyey dhamaan masuuliyiinta kooxda Safe ee dalka Sweden sida ay usoo caawineen, waxaana ay intaa raaciyeen iney ka rajeeynayaan in mar waliba ay la socdaan baahidooda dhanka Sportiga ah.

Waa talaabo aad u wanaagsan oo looga faaideeyey dhalinta sida aadka ah ugu heelan iney kubadda cagta ciyaaraan kuwaa oo mustaqbal wanaagsan ku leh kubadda cagta, taasi oo dhalinta uga weecdaan iney noqdaan derbiyo jiif iyo duurgal, waxaana laga yaabaa in dhalintaan qaar kamid ah ay beriyo anfacaan qaranka dalka Difaacaana Magaca Soomaaliya.

W/Q: C/Xafiid Zaciimka

Astaan Sports Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button