SAWIRRO: Kooxda Midnimo oo guuldarro weyn dhabarka u saarisey Geeska Africa kulankooda S.P.L
Kooxaha heerka koobaaad ee Midnimo SC iyo Geeska Africa ayaa garoonka weyn ee Muqdisho ku wada dheelay kulankoodii wejiga labaaad ee horyaalka Somali Premier Leahe fasal ciyaaareedka 2020/21, kaasi oo si xiiso badan uga soconaya garoomada dalka, waxaana kulanka labada kooxood usoo xaadirey taageerayaasha labada koox iyo dadweyne kale oo kubadda cagta u hamuun qaba.
Weerar iyo weerar celis ayey sheekadu ku bilaabatay, waxayna u muuqatay in kooxda Midnio SC ay ahayd gacan sareeynta iyo kubad ku duulaan tegista marka loo fiiriyo dhanka Geeska Africa, waxaa hogaaanka kulanka u dhiibay Midnimo ciyaaryahankooda Yaxaye Xaaji daqiiqadii 27-aad kubad uu geeska laad kasoo qaaday sxbkiis Wasawa Kosia, sidaa kuma hakan Midnimo waxay markale sii dheereeyeen hogaanka daqiiqadii 34-aad markii lambarka 17aad Ekaso Vincent uu dhaliyey gool uu markale caawintiisu lahaa Wasawa sidaa ayaana lagu kala tegey qeybta nasiinada 2-0.
Markii dib loo soo laabtay daqiiqadii 77-aad ayaa Midnimo SC markale shabaqa gaaartay waxaana xiligaas gool u saxiixay xidigooda lambarka 7-aad qaata Mahad Maxamed,hase yeeshee caawiyihii labadii gool ee hore Wisawa Kosia ayaa sii dhameystirey Geeska africa markii uu daqiiqadii 61-aad ka dhigay 4-0 sidaana kooxda MIDNIMO SC guushu ku raaacday,
Garsooraha ciyaaarta Xasan Maxamed Xaaji ma bixiin wax kaar uu garoonka kaga saaray ciyaaryahan ama tababare hase yeeshee intii uu kulanku socday waxaa uu dhowr ciyaaaryahan siiyey kaarka digniinta (Yellow-card) markii ay qaladaad galeen waxaana kamid ah, C/raxmaan Axmed & Haaruun Isloow oo kooxda Geeska Africa katirsan iyo Wasawa Kosia oo Midnimo ka tirsan.
Laacibka ugu wanaagsanaa garoonka (Man of The match) waxaa ay weriyayaasha & qorayaasha Astaaan Sports u Aqoonsadeen Wasawa Kosia oo kooxda MIDNIMO SC ka tirsanaa oo sameeyay caaawintii goolasha la dhaliyey 2 kamid ah, midna uu isagu saxiixay.