ELMANGAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka oo Guul Muhiim u ah ka gaartay Dhigeeda Elman SC horyaalka S.P.L

Kooxaha kubaddda cagta ee Gaadiidka iyo Elman oo kamida kooxaha sare ee ka qeybgalaya horyalka koobaad ee dalka, ayaa galabta wada yeeshay kulankoodii wejiga labaad ee fasal ciyaareedka 2020/21, kaasi oo ka dhacay garoonka weyn ee Muqdisho ayna u joogeen taageerayaasha labada dhinac,

Ciyaarta ayaa ku bilaabaya weerar iyo weerar celis waxayna dhinacyadu doonayeen guul ay midiba tan kale ka gaarto maadaama kulamadoodii u danbeeyay aysan guul soo gaarin, isla markaana ay doonayaan iney meel uun tiigsadaan,waxaana qeybta hore la sameeyay fursado aan laga faaideysanin oo goolal lagu dhalin karey, gaar ahaan kooxda Elman sc oo kubado badan la gashay xerada ganaaxa ee Gaadiidka,waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay bar baro goolal la;aan ah,

hase yeeshee markii dib loosoo laabtay oo labada tababare la tashiyo ay lasoo sameeyeen ciyaaryahanadooda ayaa waxaa kooxda Gaadiidka ay sameeysay is bedelo, halka kooxda Elman ay dhowr fursadood dhexda ka abuureen, waxaase nasiibka goolka koobaad kursiga keydka la dhaliyey C/raxmaan Qaliif oo bedel lagu soo geliyey isla markaana kooxdiisa Gaadiidka hogaanka u dhiibay daqiiqadii 74aad,isagoo madax ku dhaliyey kubad uu usoo qaaday sxbkii Emariel Djembele,

Afar daqiiqo kadib kubad Geeskalaad laga soo qaaday ayuu weraryahan Atika Stephen madaxa ku dhaliyey taasoo sheekada kusii adkeeysay kooxda Elman, waxaana Gaadiidka kadib ku dadaashay sidii ay daafaceeda u adkeyn lahayd iyadoo guud ahaan kulanku kusoo dhamaaday 2-0 Gaadiidka guushu ku raacday, waana guushii koobaad ee Tababare Daadir Amiin oo kulankiisii labaad hadda hogaaminaya kooxda Gaadiidka oo hardan ugu jirta sidii aysan uga dhici lahayn heerkan koobaad ee Premier League.

Garsoore Xasan Maxamed Xaaji ayaa bixiyey ilaa 2 Saddex kaar Digniin ah, Labo kooxda Elman iyo mid kooxda Gaadiidka mana jirin wax ciyaaryahan ama tababare uu garoonka kaga saaray kaarka guduudka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button