SAWIRRO: Kooxda Raadsan Oo Taako U Dhigtay Naadiga MCC Horyaalka S.P.L
Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Muqdisho City iyo Raadsan kana tirsanaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League tudabaadkii 16-aad ayaa galabta lagu cayaaray garoonka Muqdisho Stadium waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.
Cayaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa ku bilaawatay weerar iyo weerar celis daqiiqadii 8-aad ee kulanaka kooxda MCC ayaa la warregtay hoggaanka cayaarta kaddib markii lambarka 10-aad Feysal Xasan Xaashi uu madax ku dhaliyay kubbad uu soo laaday Cabdicasiis Catoosh,
Dhanka kale cayaaryahanka lambarka 7-aad ee kooxda Raadsan Bashiir Aweys ayaa laga badbaadiyay kubbad halis ahayd taas oo kooxdiisa ku soo laaban kartay daqiiqadii 39-aad waxaana kubbadaas ka diiday Goolhaye Maaney oo goosha u ilaaliyo kooxda MCC, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda MCC.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka garsoore Cumar Cartan ayaa gool kulaad u dhigay naadiga Raadsan kaddib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Cabdiwahaab Sheekeeye waxaana gool u beddelay lambarka 9-aad Brian Mugisha daqiiqadii 65-aad ee kulanka natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 oo labada kooxood ay ku heshiiyeen.
Garsoore Cumar Cartan oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiyay kaarka digniinta kooxda Raadsan waxaa loo taagay lamabarka 12-aad Xasan Siidoow daqiiqadii 24-aad lambarka 15-aad Efanya Emanuel daqiiqadii 80-aad halka naadiga MCC la siiyay kaarka digniinta xiddigaha kala ah lambarka 6-aad Cali Yare iyo lamabarka 10-aad Feysal Xasan Xaashi daqiiqadii 65-aad ee kulanka.
Si kastaba barbaraha ay gashay kooxda MCC waxey fursad weyn u tahay kooxda horseed oo haddii ay badiso min 31-dhibcood wada yeelan doonaan kooxda MCC waxaana hoggaanka farqiga goolasha ku qaban doonto kooxda Horseed, halka naadiga Raadsan ay sii joogi doonto booska 3-aad iyagoo leh 27-dhibcood kala sareynta horyaalka Somali Premier League.
WQ/Daacad















