Breaking NewsHORSEEDSomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Horseed oo Guul Wayn Ka Gaartay Geeska Afrika Lana Wareegtay Hoggaanka Horyaalka S.P.L.

Kooxda kubbadda cagta horseed ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga G/afrka kulan cayaareed qayb ka ahaa wejiga labaad ee horyaalka dalkeenna Somali premier League oo lagu cayaaray garoonka Muqdisho Stadium.

Cayaarta oo ku bilaawatay weerar iyo weerar celis waxey labada kooxood qaybtii hore soo bandhigeen cayaar aad u qurux badan walloow kulankan ay ku gacan sareysay kooxda Horseed haddane xiddigaha naadiga G/afrika waxey soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, naadiga horseed ayaa la timed goolkii koowaad daqiiqadii 18-aad kubbad uu u dhaliyay lambarka 28-aad Ibraahim Ilyaas waxaana caawiyay Farxaan Xiddig goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka naadiga horseed waxey la soo laabatay weerar joogta ah oo ay ku dhaliyeen saddex gool, daqiiqadii 58-aad ee cayaarta waxaa goolkii labaad u saxiixay naadiga horseed cayaaryahanka lambarka 9-aad Mahad Shiine, waxaana goolkii saddexaad raacsaday lambarka 22-aad Joshu Abbdal halka bandhiga goolasha uu soo gabagabeeyay lambarka 21-aad Naif Maxamed oo beddal ku soo galay kulanka daqiiqadii 92-aad, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 4-0 ay ku adkaatay kooxda Horseed.

Garsoore Cabdi Fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay kaarka digniinta afar kaar waxaana saddex kamid ah loo diiwaangaliyay kooxda horseed waxaa loo taagay xiddigaha kala ah lambarka 15-aad Nuur Cumar lambarka 21-aad Naif Maxamed iyo lambarka 4-aad Cali Cade halka kooxda Geeska Afrika kaliya loo diiwaangaliyay kaliya hal kaar waxaana qaatay lambarka 15-aad Maxamed Nuur

Guusha ay gaartay kooxda Horseed ayaa ka dhigan iney kala warreegtay hoggaanka horyaalka kooxda MCC walloow min 31-dhibcood wada leeyihiin hase yeeshee naadiga Horseed ayaa farqiga goolasha ku hayso hoggaanka horyaalka Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 13 people, people standing and outdoors
May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 1 person, standing, playing American football, grass and text


May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football and text
May be an image of 1 person, playing a sport, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, grass and text
May be an image of one or more people, people standing and people playing sport
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 8 people, child, people standing, outdoors and text
May be an image of 7 people, child, people standing, outdoors and text
May be an image of 7 people, child and people standing
May be an image of 8 people, child, people standing and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button