Breaking NewsGAADIIDKAHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka Oo Goolashii Ugu Badnaa Kaga Adkaatay Geeska Afrika Kulan Ka Tirsanaa S.P.L

Cayaartan oo u dhexeysay kooxaha kubbadda cagta Gaadiidka & Geeska Afrika ayaa lagu cayaaray garoonka Muqdisho Stadium, kulankaan oo ka tirsanaa wareegga labaad ee horyaalka dalkeenna Somali Premier League tudobaadkii 16-aad waxaa garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo taageero u ahaa labada kooxood.

Kooxda kubbadda cagta Gaadiidka oo ka carareyso iney u laabato horyaalka heerka labaad ayey ku qaadatay iney hoggaaka kulanka qabato daqiiqadii 2-aad kaddib kubbad gees laad aheyd uu soo laaday Xasan Cabdi Xasan waxaa shabaqa ku hubsaday lambarka 9-aad Ategeka Stephan,


Xiddigaha ajaaniibta naadiga Gaadiidka oo bandhig wanaagsan soo bandhigay kulankii galabta waxaa mar kale goolkii labaad u dhaliyay kooxdiisa Gaadiidka Emerone Chidiebari daqiiqadii 24- aad kaddib caawin uu mar kale ugu deeqay kooxdiisa Xasan Cabdi Xasan, hase yeeshee waxaa goolkii 3-aad sii raacsaday lambarka 11-aad Cabdisalaan Khaliif daqiiqadii 32-aad caawin uu ka helay Emerone Chidiebare, bandhiga goolasha kooxda Gaadiidka waxaa qaybtii koowaad soo gebagabeeyay oo shabaqa G/afrika gaaray mar kale Ategeka Stephan oo madax ku dhaliyay kubbad uu ka caawiyay mar kale Xasan Cabdi Xasan oo saddex caawi sameeyay 45-ta daqiiqo ee koowaad, waxaana lagu kala nastay 4-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda Gaadiidka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta kooxda kubbadda cagta Geeska Afrika ayaa la soo laabatay qaab cayaareed ka duwan qaybtii hore waxaana daqiiqadii 51-aad u dhaliyay gool cayaaryahanka lambarka 10-aad Nageeye Deeq caawin uu ka helay saaxiibkiisa Haaruun Isloow, isagoo cataarta ka dhigay 4-1 sidoo kale waxey abuureen xiddigaha G/afrika fursado kale oo wax gool ah aan ku dhalan hase yeeshee waxaa saddex gool oo xigta sii raacsaday Ategeka Stephan daqiiqadihii 70, 76 iyo daqiiqadii 82-aad wuxuuna Atejeka Stephan uu noqday cayaaryahankii ugu horreyay oo 5-gool ka dhaliyo horyaalka S.P.L. intaas kuma harin Gaadiidka waxaa bandhiga goolasha soo gebagabeeyay lambarka 77-C/raxmaan Khaliif daqiiqadii 86-aad, Natiijada Cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 8-1 ay ku adkaatay kooxda Gaadiidka.

Garsoore Maslax C/Raxmaan oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay saddex kaar oo ah kaarka digniinta waxaana saddex kaar loo taagay kaliya cayaartoyda Gaadiidka xiddigaha kala ah lambarka 16-aad Ibraahim Muuse daqiiqadii 29-aad lambarka 13-aad Cabdijabaar daqiiqadii 39-aad lambarka 8-aad Feysal Aadan daqiiqadii 42-aad halka aan wax calaamad ah aan loo diiwaangalin cayaartoyda Kooxda Geeska Afrika kulan ayaareedkan.

Si kastaba kooxda Gaadiidka ayaa kala baxday kaalinta 7-aad naadiga Jeenyo iyagoo leh 18-dhibcood walloow Jeenyo ay booska kala bixi karto haddii kulanka maalinta Axada ay ka adkaadaan hoggaamiyaasha horyaalka naadiga Horseed halka Geeska Afrika oo xaqiijisay iney u laabteen horyaalka heerka labaad ay ku jiraan kaalinta 10-aad iyagoo leh kaliya 5-dhibcood kala sareynta horyaalka Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 3 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing and outdoors
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 3 people, people playing sport, grass and text that says "ടി T DECO 15 AZZ www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 2 people, child, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 4 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 3 people, people standing, people playing American football and text
May be an image of 1 person, standing, playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, standing, playing American football, grass and text
May be an image of 19 people, child, people sitting and people standing

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button