DAKADDASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Muxuu ku dhamaaday kulankii adkaa ee kooxaha Dekedda & Midnimo ee Horyaalka S.P.L ?

Kooxaha Kubadda cagta ee Dekedda iyo Midnimo ayaa galabta ku yeeshay garoonka weyn Stadium Muqdisho kulan ciyaareed kutirsanaa todobaadka 37-aad horyaalka koobaad ee dalka, kaasi oo ay usoo daawasho taageerayaasha labada kooxood iyo dadweyne iyagu jecel kubadda cagta, waxaana kulanku ku biloowdey weerar ay sameeynayeen kooxda Dekedda,

Kooxda Dekedda ayaa tobankii daqiiqo ugu horeeysay waxaa ay ku dhowaatay iney hogaanka u qabato ciyaarta markii dhowr weerar ay ku qaadeen goosha kooxda Midnimo waxaana xusid mudan in Ciyaaaryahan Addelani uu sameeyay fursado, sidoo kale xidiga Daafaca ee Daa’uud Tubaal ayaa fursad sameeyay iyadoo kooxda Midnimo ay kubad dabo mareyn ah ku dhaliyeen gool, laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in kahor qalad lagu galay gool celiyaha Dekedda,

Si kastaba kooxda Midnimo ayaa qeybtaasi sameeysay Labo fursad halka dhanka kooxda Dekedda ay sameeyeen ilaa shan isku day laakiin waxaa qeybtaasi lagu kala nastay goolal la’aan 0-0, markii dib loo soo laabtay ayey sidoo kale dhinacyadu sameeeen isku dayo ay ku doonayeen iney shabaqa ku gaaraan, gaar ahaan Anwar Shakuunda wallow aysan u suurta gelin inuu shabaqa dhaafiyo, wuxuuna kulanku guud ahaan kusoo dhamaaday 0-0,

Garsooraha ciyaaarta Maslax C/raxmaan ayaa bixiyey ilaa saddex Kaarka Digniinta oo ay kala qaateen ciyaaaryahanada kala ah,lambarka 18-aad Siid Cali Baana,Lambarka 6-aad Daa’uud oo Dekedda katirsan iyo lambarka 10-aad Abuukar Cabdullaahi oo kooxda Midnimo u dheela, mana jirin wax ciyaaaryahan ah oo kaarka casaanka garoonka looga saaray, waxaana hadda kooxda Dekedda leedahay 23 dhibic kursiga 4-aad halka Midnimo ay 22 dhibic kursiga 5-aad ay kujirto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button