Somali premier leagueSOOMAALIYASports

SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka Oo Guul Ay Ka Gaartay Naadiga Jeenyo Ku Xaqiijisay Kasii Mid Ahaanshaha Kooxaha Heerka Koowaad S.P.L.

Kooxaha kubbadda Cagta Gaadiidka iyo Jeenyo ayaa ku wada cayaaray garoonka Muqdisho Stadium, kulan cayaareed qayb ka ahaa wejiga labaad horyaalla heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League, tudobaadkii 17-aad, labada kooxood oo cabsi weyn ka qabo iney dib ugu dhacaan horyaalka heerka labaad ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan garbo siman ku socotay qaybtii koowaad, waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac maadama kulanka uu ahaa mid aad u adag.

Kooxda kubbadda cagta Gaadiidka ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay daqiiqadii 31-aad gool uu u dhaliyay lambarka 11-aad Cabdisalaan Daanya kubbad uu soo laaday Atageka Stephan oo ka caawiyay inuu madax ku dhaliyo Daanya, hase yeeshee naadiga Jeenyo ayaa iska soo barbareysay goolka laga dhaliyay waxaana kubbad aheyd (Free Kick) ama laadka xurta u dhaliyay lambarka 25-aad Mugisha daqqiiqadii 45-aad, waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 1-1 ay hoggaanka ku haysay kooxda kubbadda cagta Gaadiidka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad waxey labada dhinac la soo laabteen qaab cayaareed weerar iyo weerar celis ah weeraryahanka kooxda kubbadda cagta Gaadiidka Ategeka Stephan ayaa gaaray shabaqa kooxda Jeenyo kaddib kubbad qaladkeedu uu laha goolhaye Cabdicasiis oo shabaqa u ilaaliyo kooxda jeenyo daqiiqadii 80-aad ee cayaarta, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Gaadiidka.

Garsoore Xasan Baari oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay saddex kaar oo ah kaarka digniinta, waxaana labo kamid ah loo taagay xiddigaha naadiga Gaadiidka lambarka 10-aad Nicklos Kagawa daqiiqadii 56-aad iyo cayaaryahanka lambarka 7-aad Emerone Chidieberi daqiiqadii 86-aad halka naadiga Jeenyo kaarka loo diiwaangaliyay uu qaatay lambarka 6-aad C/raxmaan Shimaali daqiiqadii 33-aad qaybtii hore ee kulanka.

Si kastaba guusha ay gaartay kooxda Gaadiidka waxey ku xaqiijiyeen iney kasii mid ahaan doonaan kooxaha sii joogi doono horyaalka heerka koowaad iyagoo leh 21-dhibcood, waxeyna kaalinta 6-aad kala baxeen naadiga Midnimo farqiga goolasha, halka kooxaha Jeenyo iyo Elman ay halis ugu jiraan in midkood ay u dhacdo horyaalka heerka labaad maadaama ay min 17-dhibcood ay wadaagaan kulanka ugu dambeeyo ay wada cayaari doonaan horyaalka Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 6 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 4 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, standing, playing a sport and text
May be an image of 3 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, standing and text
May be an image of 1 person, playing a sport, standing and text
May be an image of 5 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 5 people and people sitting
May be an image of 2 people, people sitting and text that says "ငി T 我 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be a close-up of 2 people, people sitting, people standing and headscarf
May be an image of 4 people, people standing and text that says "S T 我 www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button