HORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kulankii ugu daawashada badnaa horyaalka dalka oo galabta dhexmaray kooxaha Horseed & MCC

Kooxaha Kubadda cagta Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa galabta ku yeeshay garoonka Stadium Muqdisho kulan taariikhda galay isla markaana ay usoo daawasho tageen in ku dhow 65-kun oo mucaashaqiinta kubadda cagta ah, iyadoo garoonka buux dhaafay, oo taageerayaasha qaarkood dibadda ay ku sugnaayeen,

Kulanka oo kutirsanaa todobaadka 17-aad ee wareega labaad horyaalka ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis iyo kubbad ku dhisan duulaan dhexda ah, waxaana xusid mudan in kooxda MCC ay sameeysay isku dayo bilowgii ciyaarta gaar ahaan lambarka 9-aaad Bimak Olivier oo fursad helay, sidoo kale ciyaaaryahanka lambarka 12-aad Cabdi Majiid ayaa madax ku qaatay kubad fiican bartamihii daqiiaddii 25-aad wallow uu ka badbaadiyey gool celiyaha kooxda Horseed Suleymaan, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.

Markii dib loo soo laabtay ayey sidoo kale labada kooxood isku dayo sameeyeen wallow kooxda MCC mar waliba ay ka fursad abuuris badneyd hadana kooxda Horseed ayaa ka wanaagsaneyd sidii ay u ciyaareysay qeybtii koobaad, mana jirin wax gool ah oo halkaasi ka dhafay iyadoo ay xusid mudan tahay in qaladaadka ay galayeen dhinacyadu aad u badnaa, waxaana garsoore Maxamed Soomaali uu bixiyey ilaa 7-kaarka Digniinta oo gaar ahaan qeybta labaad oo 4 kaar la siiyey MCC iyo 2 la siiyey Horseed.

natiijadaan ayaan ka dhigan in labada kooxood ay weli isku heeystaan hogaanka horyaalka, waxaana hadda koox waliba u haray min hal kulan oo lagu kala caddeyn karo kooxda Horyaalka qaadi doonta, kooxda Horseed waxay la dheeli doontaa Dekeddaha, halka Kooxda MCC ay la balansan tahay kooxda Gaadiidka,

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button