Somali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Raadsan oo guul kusoo xirtey Horyaalka S.P.L xili taageerihii ugu da’da garoonka lagu arkay

Kooxda Kubadda cagta ee Raadsan ayaa guul kusoo xirtey horyaalka sare ee dalka xili ciyaareedka 2020/21 kadib markii galabta ka badisay kooxda Midnimo
kulan ciyaareed xiise lahaa oo ay usoo xaadireen taageerayaasha labada dhinac oo ay kujirtey taageeraha ugu da’da yareyd ee lagu arko garoomada kubadda cagta taasoo ah gabar aad u da’yar oo xirneyd funaanadda kooxda Raadsan.

Labada kooxood ayaa qeybta koobaad sameeyay fursado goolal lagu dhalinkaray waxaana aad u dadaalay shabaq ilaaliyayaasha labada dhinac oo kubado dhorw ah beeniyey, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay goolal la’aan 0-0,

Markii dib loo soo laabtay wadatashi kadib ayey kooxda Raadsan heshay gool kulaad markii kubad uu geesta kasoo qaaday xidigooda Yaasiin isla markaaana loo dhigay ciyaaaryahanka lambarka 8-aad u xirta uu qalad ku sameeyay mid kamid ah daafacyada kooxda Midnimo waxaana gool kulaadkaasi u saxiixay Brian Mugisha daqiiqadii 49aad,

Goolkii 2aad Raadsan ayaa sameeysay isku dayo dhowr, waxaana xusid mudan in Kaarka Guduudan loo taagay Tababaraha kooxda Raadsan Cabdi Weli maxamed Cabdi Joon, laakiin ciyaaryahanka lambarka 20aad Cabdiwahaab Aweys Muunye ayaa daqiiqadii 75aad waxaa uu dheereeyay hogaanka kooxdiisa markii uu si qurux badan u dhameeystirey kubad uu soo caawiyay sxbkiis Brian Mugisha, isku day ay sameeyeen kooxda Midnimo wax gool ah kuma soo celin wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 2-0 oo Raadsan guushu ku raacday,

Inkasta oo Raadsan Guul kusoo xirtey horyaalka isla markaana ay rajeeyneysay in kursiga saddexaad ku dhameeystao hadana waxay u dhaadhacday kaalinta 4-aad markii kooxda Heegan oo ay ka goolal badneyd shalay 13-0 ku suul daartay Kooxda Geeska Africa oo horey u xaqiijisey iney qeybta hoose ka dheeli doonto xagaaga soo aadan, waxaana hadda Heegan ku dhameysatay kursiga 3-aad, Raadsan 4-aad wallow isku dhibco yihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button