Breaking NewsSomali premier leagueSOOMAALIYA

SAWIRRO: Kooxda Elman SC Oo U Dhacday Horyaalka Heerka 2-aad Markii Ugu Horreysay Taariikhda.

Kulan cayaareedkan oo qayb ka ahaa wejiga labaad horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somaali Premier League isbuucii 18-aad, ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, waxaana garoonka soo buux-dhaafiyay taagerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.

Cayaarta ayaa ku bilaawatay dar-dar xoogan maadaama labada kooxood ay wadaagaan min 17- dhibcood kooxdii laga adkaadana ay dib ugu laabaneyso horyaalka heerka labaad ee dalkeenna, weeraryahanka kooxda Jeenyo lambarka 25-aad u xirto Mugisha ayaa kooxdiisa hoggaanka cyaarta u dhiibay daqiiqadii 3-aad ee kulanka, weeraro isdaba joog ah kaddib naadiga Elman waxey heleen gool kulaad markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay Nuur Iraad waxaana gool u beddelay lambarka 93-aad Mohamed Kylan daqiiqadii 28-aad ee cayaarta, qaybtii koowaad ee cayaarta ayaa lagu kala nastay 1-1.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka labada kooxood waxey la soo laabteen qaab cayaareed weerar iyo weerar celis ah, waxaana mar labaad hoggaanka cayaarta la warreegtay kooxda Jeenyo kaddib gool uu dhaliyay lambarka 19-aad Fred Seguja kaas oo dhameystiray kubbad uu usha goosha ku garaacay Xasan Cabdi Xasan daqiiqadii 70-aad ee cayaarta, dhanka kale fursado ay abuureen cayaartoyda naadiga Elman kama faa”ideysan Natiijada Cayaarta ayaana ku dhammaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Jeenyo oo sii joogi doonto horyaalka heerka koowaad S.P.L halka naadiga Elman ay u dhacday horyaalka heerka 2-aad markii ugu horreysay taariikhda.

Garsoore Cumar Cartan oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta 90-ka daqiiqo ee kulanka waxaana la siiyay cayaartoyda kooxda Jeenyo xiddigaha kala ah goolhayahooda lambarka 26-aad Cabcasiis Cabdullaahi daqiiqadii 70-aad iyo lambarka 19-aad Fred Seguja daqiiqadii 84-aad ma jirin wax kaar ah oo loo diiwaangaliyay naadiga Elman SC.

Si kastaba guusha ay gaartay kooxda Jeenyo ayey kaga badbaaday iney dib ugu laabtaan horyaalka heerka 2-aad iyagoo ku dhameystay kaalinta 8-aad ee kala sareynta horyaalka S.P.L. halka markii ugu horreysay taariikhda ay u dhacday horyaalka heerka 2-aad kooxda kubbadda cagta Elman SC iyagoo ku dhameystay booska 9-aad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of one or more people, people playing sport, grass and text
May be an image of 2 people, people playing sport, people standing, outdoors and text
May be an image of one or more people, people playing sport, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 1 person, playing American football, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 4 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, outdoors and text
May be an image of 1 person, playing American football and text
May be an image of one or more people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 4 people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people playing sport, people standing and text
May be an image of american football, standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, outdoors and crowd

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button