AFRICAHORSEEDHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Horseed oo guul muhiim ah kusoo xirtey Kulamadeeda S.P.L xili Farxaan Xidig uu dhaliyey gool Cajiib ah

Naadiga Kubadda cagta ee Horseed ayaa guul muhiim ah kusoo xirtey kulamadeeda wareega labaad ee horyaalka sare ee dalka kadib markii guul dhib badan ay ka gaartay dhigeeda Dekaddaha oo ay ku wada ciyaareen garoonka weyn ee Muqdisho, ciyaar ay usoo xaadireen taagerayaasha labada kooxood iyo bahda kale ee aadka u xiiseysa kubadda cagta,
1 0

Kubadda ayaa ku bilaabaya weerar iyo weerar celis waxaana daqiiqadii 2-aad labada dhinac ay iska qasaariyeen fursado deg deg kuyimid oo gool lagu dhalin karey, hase yeeshee kooxda Horseed oo aad ugu baahneyd guul ay gaarto ayaa qeybta koobaaad dhowr fursadood sameeysay laakiin shabaq ilaaliyaha Dekedda ayaa la ciyaaray oo ka diidey iney kubaddu dhaafto, waxaana qeybtaasi lagu kala tegey goolal la.aan 0-0

Markii dib loo soo laabtay ayey sidoo kale labada koox halkii kasiii wadeen dadaalkooda ay ku dooneysay in midba kan kale ay guusha ka qaadato, waxaana xusid mudan in daqiiqaddii 82-aad taageerayaasha Horseed oo yaaban inuu hurdadii ka kiciyey laacibkooda Lambarka 10aad Farxaan Maxamed Axmed (Xiddig) oo kubad uu kasoo toogtay meel ka baxsan diilinta 18-aad shabaqa cusjiyey taasoo uu awoodi waayey inuu taabto goolhayaha Dekedda,waxaana halkaa ku damaashaaday taageerayaasha Horseed oo guusha ku qaaday 1-0.

Guushaaan ayey kooxda Horseed markale siineysaa iney ku guuleysan karo horyaalka sare ee dalka oo ay ugu danbeeysay 1980-kii, waxaase xusid mudan in hadda ay sudi doonto kulanka u dhexeeya kooxaha MCC iyo Gaadiidka oo hadii gaadiid barbaro ku celiso ama ay badiso sidaa Horseed loogu caleemo saari doono horyaalnimada hadiise MCC ay soo badiso labada kooxood waxaa loo qaban doonaa kulan Final ah,maadaama sharciga Xiriirka kubadda cagta Soomaaaliya uu dhigayo in horyaalka aan lagu kala qaadi karin goolal tirsi.

Garsoore Xassan maxamed Xaaji (Baari) ayaa bixiyey ilaa saddex kaaarka digniinta oo uu 2 kamid ah siiyey ciyaaaryahano Dekedda halka midna Horseed ay qaateen, mana jirin wax ciyaaryahan ama Tababare garoonka uga saaray kaarka Casaanka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button