Breaking NewsSomali premier league

SAWIRRO: Kooxda Muqdisho City Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Naadiga Gaadiidka Kulan Ka Tirsanaa S.P.L

Kulan cayaareedkan oo ka tirsanaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad dalkeenna Somaali Premier League isbuucii 18-aad ahaana kulankii ugu dambeeyay horayaalka oo u dhexeeyay kooxaha Muqdisho City iyo Gaadiidka ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana garoonka soo buux-dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood.

Cayaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa ku bilaawatay weerar iyo weerar celis waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u soo jiitay dadkii u soo daabasho tagay kulankan, xiddiga lambarka 10-aad ee kooxda Gaadiidka ayaa hoggaanka cayaarta u dhiibay naadigiisa kaddib markii uu shabaqa kooxda MCC uu ku hubsaday kubbad aheyd (Free Kick) ama laadka xurta, taas uu awoodi waayay inuu badbaadiyo goolhaye Maaney oo goosha u ilaaliyo kooxda MCC daqiiqadii 28-aad ee kulanka, hase yeeshee seddex daqiiqo kaddib wey iska soo barbareeyeen goolka laga dhaliyay kooxda MCC waxaana goolka barbaraha u dhaliyay lambarka 13-aad Cabdimajiid Cusmaan daqiiqadii 31-aad ee kulanka inta aan la aadin qaybta nasashada waxaa mar kale goolkii labaad u dhaliyay kooxda MCC Cabdimajiid Cusmaan daqiiqadii 41-aad kaddib markii uu dhameystiray kubbad ka soo laabatay goolhayaha kooxda  Gaadiidka Aweys Amiin, waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 2-1 oo hoggaanka ku haysay Kooxda MCC.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka naadiga Gaadiidka waxey la soo laabteen qaab cayaareed weerar ah iyagoo abuuray fursado halis ku ahaa kooxda difaacaneyso horyaalka S.P.L ee Muqdisho City, daqiiqadii  51-aad ee kulanka ayey heleen goolka barbaraha kooxda Gaadiidka waxaana u dhaliyay lambarka 13-aad Xasan Cabdi Xasan kubbad uu ka dafay lambarka 20-aad Cabdifitaax oo ka tirsan naadiga MCC taas uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa, hase yeeshee kooxda MCC ayaa heshay Gool-kulaad kaddib qalad uu galay goolhayaha kooxda Gaadiidka Aweys Amiin, waxaana Gool u beddalay Cabdimajiid Cusmaan oo dhaliyay goolkiisa saddexaad daqiiqadii 74-aad ee cayaarta.

Dhanka kale xididdigaha kooxda Gaadiidka ayaa abuuray fursado kale oo halis ku ahaa kooxda Muqdisho City, walloow aysan suurtagalin iney dhaliyaan goolal kale waxaana dhamaadkii cayaarta daqiiqadii 96-aad mar kale laga dhigay Gool-kulaad kale kooxda Gaadiidka kaddib markii daafaca lambarka 13-aad Cabdijabaar Shariif uu diilinta ganaax ku jilaafay weerararyahanka kooxda MCC Feysal Xasan Xaashi waxaana kubbaadsi tuuray oo gool u beddelay Feysal Xasan Xaashi, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 4-2 ay ku adkaatay kooxda Muqdisho City iyagoo guul ku soo xiray kulankoodii ugu dambeeyay fasal cayaareedka 2020/2021 horyaalka Somali Premier League.

Garsoore Maxamed Nuur Somali oo ahaa Garsooraha kulanka ayaa bixiyay 7-kaar oo ah kaarka digniinta waxaana shan kamid ah loo taagay cayaartoyda kooxda Gaadiidka xiddigaha kala ah Nicklos Kagawa daqiiqadii 32-aad Xasan Cabdi Xasan daqiiqadii 33aad lambarka 16-aad Ibraahim Muuse daqiiqadii 73-aad Goolhaye Aweys Amiin iyo lambarka 13-aad Cabdijabaar shariif daqiiqadii 75-aad, dhanka naadiga Muqdisho City waxaa loo taagay lambarka 25-aad Stefane Adjimani daqiiqadii 27-aad iyo lambarka 13-aad Cabdimajiid Cusmaan oo lasiiyay daqiiqadii 75-aad ee kulanka.

Si kastaba Guusha ay gaartay naadiga MCC ayey u aheyd mid muhiim u ah waxaana ay dhibcaha wadaagaan kooxda Horseed oo kula tartameyso hanashada horyaalka dalkeena labada kooxood ayaa lagu kala saari doonaa kulan kale maadaama aan horyaalka Somali Premier League aan lagu kala qaadin Farqiga goolasha kooxdii adkaato kulankaas ayaa ku guuleysan doonta Somaali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 3 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 5 people, people standing, people playing sport, grass and text
May be an image of 3 people, people playing sport, people standing and outdoors
May be an image of 4 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 4 people, child, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and text
May be an image of 1 person, playing a sport and outdoors
May be an image of 1 person, playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing a sport, standing, grass and text
May be an image of 1 person, standing, playing a sport and text
May be an image of one or more people, people playing American football, grass and text
May be an image of one or more people, people playing sport, people standing and outdoors
May be an image of 1 person and playing a sport
May be an image of one or more people, people playing sport, people standing, outdoors and text
May be an image of one or more people, people playing sport and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, grass and textMay be an image of one or more people, people playing sport, grass and text
May be an image of 5 people, people playing sport, people standing, grass and text
May be an image of one or more people and outdoors

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button