Breaking NewsWararkaWARARKA MAANTA

Rasmi: Kooxda Heegan Oo Soo Bandhigtay Macalin Cabdi Joon.

Kooxda kubbadda cagta Heegan ayaa saaxaafada u soo bandhigtay hishiis labo sano ah ay ka saxiixdeen macalinkii hore kooxaha Horseed Dekadda Elman Iyo Raadsan macalin Cabdi Joon oo dhawaan katagay kooxda Raadsan uu maamulayay xili cayaareeskii dhammaaday 2020-2021.

Kooxda Heegan oo ku dhammeysatay kala sareynta horyaalka Somali Premier League, kaalinta 3-aad ayaa isku diyaarineyso iney ku guuleysato horyaalka xili cayaareedka soo socda 2021-2022 waxaana uu qayb ka yahay saxiixa macalin Cabdi Joon qorshaha kooxda Heegan ay iskugu diyaarineyso horyaalka.

Macalin Cabdi Joon oo hore u soo hoggaamiyay kooxaha ugu waaweyn horyaalka dalkeenna ayaa xili cayaareedkii soo dhammaaday kooxda Raadsan ku hoggaamiyay iney ku dhameystaan kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka S.P.L. waxaana war saxaafadeed ka soo baxay kooxda Raadsan ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in macalin Cabdi Joon uu katagay shaqada macalino kooxda Raadsan 29- July-2021 sababo isaga gaar u ah.

Si Kastaba Macalin Cabdi Joon oo koobab kala duwan ku soo guuleystay isagoo cayaaryahan iyo macalin ah ayaa raadinayo inuu ku guuleysto isagoo macalin ah horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League markiisa ugu horreysay

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button