Guddiga CAF Oo Guddoomiyaha X/K/C Soomaliya Cabdiqani Saciid Carab U Wakiilatay Inuu Qabto Howl Muhiim Ah.
Guddoomiyaha xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ahna xubin ka mid ah guddiga fulinta CAF, Mudane Cabdiqani Saciid Carab, ayaa u ambabaxay dalka Tanzania, isagoo halkaasi u tagay in uu kormeero doorashada xiriirka Kubbadda cagta dalka Tanzania oo CAF u wakiilatay inuu kormeero.
Doorashada xiriirka Kubbadda cagta Tanzania ayaa dheceysa 7-da bishan waxaana mudane Cabdiqani Saciid Carab, uu kormeere ka ahaan doonaa doorashada isagoo wakiil ka ah xiriirka Kubbadda cagta Africa ee CAF.
Shaqada uu qabanayo ayaa waxaa ka mid ah in uu kormeero habka doorashadu dhacayso isagoo kaddibna ku dhawaaqi doona natiijada doorashada iyo qaabkii ay ku dhamaatay.
Si kastaba, waa markii igu horreysay masuul ka socdo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, uu kormeere ka noqdo doorasho Kubbadda cagta ah oo ka dhacaysa mid ka mida dalalka qaaradda Africa.