Breaking News

SAWIRRO: Garoon Cusub Oo Laga Furay Degmada Deyniile.

Degmada Deyniile gaar ahaan waaxda halgan ee xaafada Raadeerka waxaa shalay galabtii laga furay garoon cusub oo la dhigay cooska macmalka kaas oo loogu magacdarag Foodey Stadum, Daah-furka garoonkan cusub waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha waaxda halgan ee xaafadda Raadeerka degmada Deyniile Maxamed Cumar Axmed iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay Furitaanka garoonka Foodey Stadium.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Milkiilaha garoonka Foodey Stadium Cabdllaahi Ibraahim oo u mahadceliyay Astaan Sports waqtiga ay ku bixiso hormarka Sportska dalka, wuxuuna intaa ku daray in garoonkan cusub uu u furay dhalinyarada ku nool degmada Deyniile gaar ahaan waaxda halgan ee xaafadda raadeerka si ay u hormariyaan xirfadooda kubbadda cagta.

Dhanka kale waxaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay Daah-furka garoonkan cusub guddoomiyaha waaxda halgan ee xaafada Raadeerka degmada Deyniile, Maxamed Cumar Axmed waxaana uu marka hore u mahadceliyay Astaan Sports oo u taagan hormarinta cayaaraha dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in degmada Deyniile ay tahay degmo u taagan hormarinta cayaaraha dalka ayna jiraan garoomo aad badan oo lagu cayaaro kubbadda cagta oo laga hirgalyay degmada isagoo ugu dambeyntii xariga ka jaray Daah-furka garoonka Foodey Stadium.

Intaa kaddib waxaa la baastay kulankii furitaanka garoonka cusub ee Foodey Stadium cayaarta Daah-furka garoonka Foodey Stadium ayaa dhexmartay Astaan Sports iyo koox ka dhisan xaafadda raadeerka oo ku cayaareysay magaca garoonka Foodey Stadium, kulan cayaareedkan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa soo camiray garoonka cusub dhalinyarada ku nool degmada deyniile labada kooxood ayaa soo bandhigeen cayaar aad wanaagsan, natiijada kulanka ayaana ku dhammaatay 4-4 oo ay isku mari waayeen labada dhinac.

Si kastaba garoomadda fuustalka ayaa ku soo badanayay waayadan dambe degmada deyniile waaxaha kala duwan ay ka kooban tahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button