Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Elman Sc Oo Soo Bandhigtay Saddex Cayaaryahan Oo Hishiisyo Cusub U Saxiixay.

Kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa saxaafada u soo bandigtay saddex cayaaryahan oo muhiim u ah kooxda koowaad oo u saxiixay hishiisyo min labo sano ah oo kooxda ay sii joogi doonaan.

Xidigaha kala Xamsa Saciid Warsame, Nuur Iraad iyo Maxamed Abuukar Meynes, ayaa dhamaantood saxiixay hishiis min labo sano ah cayaartoydaan ayaa ah xiddigaha safka koowaad ee naadiga Elman kuwooda ugu muhiimsan, hishiisyadan ayaa lagu baahiyay barta Facebook ay ku leedahay kooxda Elman.

Saxiixa saddexdan cayaaryahan ee muhiimka u ah kooxda Elman SC ayaa ku soo beegmayo xili naadga ugu koobabka badan dalkeenna ay u dhacday horyaalka heerka heerka 2-aad ee dalkeenna markii ugu horreysay taariikhda iyagoo ku dhammaystay kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee Somal Premier League xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021 kaalinta 9-aad.

Si kastaba naadiga Elman ayaa isku diyaarineyo koobka Jeneral Daa”uud iyo bilaabashada xili cayaareedka 2021-2022 ee horyaalka heerka labaad ee dalkeenna.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button