Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Kubadda Cagta Elman SC Oo Soo Bandhigtay Hishiis Kordhintii 4-aad Wax Ka Yar 24-Saac.

Kooxda kubadda cagta Elman SC ayaa soo bandhigtay cayaaryahankii 4-aad ee u kordhiyo hishiiska kooxda uu kula joogo wax ka yar 24-saacadood cayaaryahanka lagu magacaabo Bile Cilmi Wehliye ayaa noqday xiddigii 4-aad ee hishiiska u cusbooneysiiyo naadiga Elman SC, waxaa horey hishiisyo min labo sano ah u kordhiyay kooxda Elman SC xiddigaha kala ah Nuur Iraad, Xamsa Saciid Warsame iyo Maxamed Abuukar Meynes,

Bile Cilmi Wehliye oo kamid ah daafacyada ugu adag naadiga Elman SC ayaa kooxdiisa u kordhiyay labo sano oo hishiis kordhin ah, waana xiddigii 4-aad oo kooxda u kordhiyo labo sano oo hishiis kordhin ah Bile wuxuu sidoo kale ka mid yahay cayaartoyda safka koowaad ee kooxda Elman SC.

Taageerayaasha kooxda Elman SC ayaa aad ugu farxay hishiis kordhinta cayaartoyada ay u sameeyeen naadiga Elman SC waxaana kooxda ay u dhacday horyaalka heerka labaad, iyagoo ku dhameystay kaalinta 9-aad ee ala sareynta horyaalka heerka koowaad xili cayaareedkii dhammaaday 2020/2021 Somali Premier League.

Si kastaba Bile Cilmi Wehliye ayaa noqday cayaarkii afaraad oo hishiiska u kordhiyay kooxda Elman SC.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button