Breaking News

SAWIRRO: Koob Lagu Xusayay Dhismaha Galmudg Oo Lagu Qabtay Magaalada Dubai.

Tartan kubbadda cagta ah oo lagu xusaayay munaasabadda dhismaha Galmudug ayaa lagu qabtay Dalka United Arab Emirates gaar ahaan magalada Dubai.

Koobkan oo lagu xusayay munaasabada14-Agoosto 2021 oo maanta ku beegan tan iyo markii dhidibada loo taagay dhismaha Galmudug sanadkii 2006, waxaa ka qeyb galay kooxaha kala ah, FC Jeeh, Khaatumo, FC Gabeyre iyo Tayo Cargo FC. cayaarahan ayaa ahaa kuwo bug-bax ah oo kooxdii laga adkaado ay koobka ka hareyso.

Cayaata fiinalka tartanka waxaa wada ciyaaray kooxaha kala ah Gabeyre FC iyo Khaatumo FC waxaa 5-2 ku badisay kooxda FC Khaatumo oo koobka ku guuleysatay iyagoo soo bandhigay qaab cayaareed aad u qurux badan dhammaan kooxaha ka qaybgalay koobkan lagu xusayay dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug oo 15-jirsaday tan iyo markii dhidibada loo taagay sanadki 2006,

Si kastaba koobkan lagu weyneenayay dhismaha Galmudug waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyarada ka soo jeedo Galmudg ee ku nool magaalada Dubai.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button