Breaking News

Rasmi: Kooxda Kubbadda Cagta Heegan Oo Soo Bandhigtay Cayaaryahan Cusub.

Kooxda kubbadda cagta Heegan Fc ayaa soo bandhigtay cayaaryahan Ibraahim Mascuud kaas oo ka tirsanaa naadiga Geeska Afriki oo u dhacday horyaalka heerka 2-aad ee dalkeenna.2020-2021

Ibraahim Mascuud oo ka cayaaro daafaca dambe ayaa maalmo ka hor xaqiijiyay inuu ka tagay kooxda Geeska Afrika uu ka tirsanaa xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021, war qoraal ah oo lagu dabaacay barta Facebook ay ku leedahay naadiga Heegan ayey kooxda ku xaqiijisay iney la soo warreegeen Ibraahim Mascuud oo ka tirsanaa naadiga Geeska Afrika.

Si kastaba kooxda Heegan ayaa hore ula soo saxiixatay macalin Cabdi Joon kaas oo hore u soo maamulayay kooxaha Elman Horseed Raadsan oo ah kooxaha ugu waaweyn saxiixa Ibraahim Mascuud ayaa noqo doono cayaaryahankii ugu horreeyay ee kooxda la soo saxiixato walloow aysan Heegan faah-faahin hishiiska uu ugu soo warreegay Ibraahim Mascuud kooxda Heegan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button