Breaking News

Rasmi: Macalin Gidaamow Oo Katagay Shaqada Macalimo Kooxda Elman.

Kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa shaacisay daqiiqo yar ka hor in shaqada macalimo ee naadiga Elman SC katageen Macalin Axmed Abdiraxman Cumar (Macalin Gidaamow) Iyo Macalinka 2-aad ee naadiga Macalin Makaraan Abanuur.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ay ku leedahay naadiga Elman SC ayey kooxda ku xaqiijisay shaqo ka tagista macalimiintan “Maamulka naadiga Elman SC ayaa ugu mahadceliyay Macalin Gidaamow iyo ku xiggeenkiisa Macalin Makaraan shaqadii adkeed ay ka qabteen kooxda Elman SC, ayuu u qornaa war saxaafadeed kooxda Elman ay ku baahisay Barta Facebook ay ku leedahay.

Bishii Maarso ayey aheyd markii loo magacaabay shaqada Tababarnimo kooxda Elman Macalin Gidaamow lama hubo sababta rasmiga ah ee ka dambeyso inuu katago kooxda Elman hase yeeshee naadiga Elman oo ah kooxda ugu guulaha badan kooxaha ka cayaaro horyaalka heerka koowaad dalkeenna ayaa markii ugu horreysay taariikhda u dhacday horyaalka heerka 2-aad xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021.S.P.L

Si kastaba afar kamid ah xiddigaha safka koowaad ee kooxda Elman ayaa maalmihii ugu dambeeyay hishiis kordhin u sameeyay kooxdooda Elman SC.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button