AFRICABreaking NewsMAQAALNewsSOOMAALIYASportsTartanka MaamulladaWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartankii Gobolada Puntland oo soo gaaray Final Xulalka Nugaal & haylaan oo isugu soo haray

Koobka kubadda cagta ee gobolada puntland ayaa soo gaaray heerkiisii kama danbeeysta ee finalka iyadoo ay isusgu soo hareen labada gobo lee Nugaal iyo Haylaan,

Tartanka oo soo biloowday 1-dii bishan Agoosto ayaa waxaa ka qeybgalaya ilaa sagaal gobol oo ay ka kooban tahay puntland, waxaana fasal ciyaareedkan uu ahaa midkii sideedaad oo la qabto iyadoo uuu ka xiiso badnaa marka loo eego tartamadii kale ee horey loo qabtay,

Xulka Gobolka Nugaal oo koobka difaacanaya ayaa waxaa ay kulankii nus dhamaadka 4-2 kaga badiyeen xulka Gobolka Cayn, halka xulka Gobolka Haylaan oo markii ugu horeeysay soo gaaray heerkan kama danbeysta ay kasoo badiyeen xulka Gobolka Mudug oo 1-1 isla dhaafi waayeen waqtigii loogu talagalay kulanka hase yeeshee gool-kulaadyo 5-4 kusoo gaareen kama danbeeysta,

Sheekada xiisaha badan ayaa ah in labadan xul ay kasoo gudbeen Groupka A oo shan xul ay kujirtey laguna tilmaamay inuu ahaa midkii dhimashada waxaana kulankoodii heerka groupka 2-0 kusoo guuleystay xulka Nugaal waana keliga guul darada tartanka kasoo gaartay xulka Haylaan oo dhamaan kulamadii kale soo wada guuleystay, halka Nugaal sidoo kale kulankii koobaad guul daro 1-0 ka qaateen xulka Bari oo iyagana groupka ku haray.

Sidoo kale sheekada xiisaha badan ayaa ah in labadan xul ay u kala ciyaaaraan labo ciyaaaryahan oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Dheyman,iyo Diida taa oo qoyskoodu kaga dhigan Guul taariikhiya maadama mar waliba koobka ku hoyan doono Aqalkooda maaadama labada xiddig hal guri ku hoydaan.

Diyaar garoowga labada gobol ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada garoowe iyadoo tababarayaasha dhinacyadu ay muujinayaan kalsooni midba uu guul ku doonayo, hadii Nugaal ay badiso waxaa ay kaga dhigan tahay Macalin C/xakiin iyo kooxdiisu guul taariikhi ah in markii saddexaad si xiriir ah koobka u qaadeen halka hadii ay badiso Haylaan kaga dhigan tahay Tababaraha ugu da’da weyn tartanka ee maxamed Cabdalla taariikh Baal dahab ah u geli doonta isaga iyo kooxdiisa maadaama markii ugu horeeysay ay koobka qaadeen.

C/xafiid Zaciimka

Astaan Sports Garoowe

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button