Breaking NewsSomali premier league

SAWIRRO:Warbixin ku saabsan horyaalka Soomaaliya 2020/21

Xilli cayaareedkii dhammaaday horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League 2020/21”, waxaa muddo 40-sano kadib ku guulaysatay Kooxda Kubbadda cagta Horseed.

Waxaa jira dhacdooyin badan oo laga diiwaangeliyay intii uu socday xilli  cayaareedkii dhammaaday 2020-2021, waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa dhammaan dhacdooyinkii laga diiwaangeliyay intii uu soocday horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League.

Horyaalkii 2020/2021 waxaa ka qayb galay 10-kooxood oo kala ah Horseed, Muqdisho City Club “MMC”  Heegan, Raadsan, Dekaddaha, Midnimo, Gaadiidka, Jeenyo, Elman iyo Geeska Afrika, dhammaan kooxahan wejigga koowaad ee horyaalka Soomaali Premier League waxay koox kasta cayaartay min 9-kulan.

Kooxaha kala ah Horseed, MCC, Heegan iyo Raadsan ayaa noqday afarta kooxood ee ku kala dhameystay 4-ta kaalin ee ugu sarreysa horyaalka S.P.L

Kooxda Kubbadda Cagta  Horseed waxay sanadkaan muujisay karti iyo dadaal ay ku hiigsanaysay hanashada horyaalka dalka oo ay muddo aad u fog ka soomanaayeen, waxay cayaareen 18 kulan, 11 kulan way badiyeen, 5 kulan barbarro ayay galeen, halka 2 kulan laga adkaaday, waxay dhalliyeen 37 gool waxaa laga dhalliyay 11 gool, sidoo kale waxay noqotay kooxda labaad ee laga dhalliyay goolasha ugu yar, sidaasna waxay ku urursadeen 38 dhibcood.

Kooxda Kubbadda Cagta ee MCC ayaa ku dhammaysatay kaalinta 2aad, waxayna intii uu tartanku socday muujiyeen awood iyo cayaar wanaag, Naadigu waxay cayaareen 18 kulan, 11 ka mid ah way adkaadeen,  5 kulan barbarro ayay galeen, 2 kulanna waa laga adkaaday waxaana ka adkaaday kooxaha Heegan iyo Midnimo MCC waxay dhalliyeen 27 gool waxaa laga dhalliyay 12 gool, waxay heleen 38 dhibcood.

Naadiga Raadsan oo sanadkan wacdaro aan horey looga baran muujiyay ayaa ku dhammaystay kaalinta 3-aad, waxay cayaareen 18 kulan waxay guuleysteen 9 ka mid ah, 6 kulan barbarro ayay galeen halka 3 kulanna laga adkaaday, waxay dhalliyeen 19 gool, waxaa laga dhalliyay 10 gool.

Kooxaha MCC & Horseed ayaa noqday isku dhibco oo waxay wada heleen min 38 dhibcood, marka ay labo kooxood ee ku tartamayo Horyaalka ay isku dhibco noqdaan sharciga u degsan “XSKC” wuxuu dhiggayaa in lagu kala saaraa kulan kala bax ah (Paly Off) oo kooxdii adkaato la guddoonsiiyo koobka Horyaalka.  Sidaa darteed kulan ay wada qaateen Guddoomiyaha  XSKC Cabdiqani Saciid Carab,  Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xamsa Saciid Xamsa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxa’ed  “Cumar Filish”  ayaa lagu go’aamiyay waqtiga la cayaarayo kulanka lagu kala baxa labada kooxood, kaasoo loo asteemayay 2-dii bishii Agoosto oo ku beegnayd maalin Isniin ah, balse Kooxda MCC ayaanan soo xaadirin kulankaas, sidaana Horseed lagu siiyay seddaxdii dhibcood ee kulanka, kuna noqotay Horyaalka Soomaaliya. 

Kooxdii ugu difaaca adkayd

Kooxda Kubbadda Cagta ee Raadsan oo hoggaaminayay Macallin Cabdi Joon ayaa noqotay kooxdii ugu difaaca fiicneyd Horyaalka 20/21,  wejiga hore ee Horyaalka 9kii kulan oo ay safteen 6 kulan oo ka mid ah wax gool ah lagama dhalin, seddaxda kulan ee kale ayaa 3 gool laga dheliyay, guud ahaan 18kii kulan oo ay safteen waxaa laga dhaliyay 10 gool, sidaasna waxay ku noqotay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay dhammaan kooxihii ka qaybgalay  horyaalka dalka 20/21.

Waa kuma  Cayaaryahankii dhalliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa?

Wuxuu ahaa cayaaryahanka Kooxda Kubbadda Cagta  ee Heegan Mahad Xasan  Basey wuxuuna ka dhaliyay kooxda Midnimo cayaar dhacday 17-kii May 2021,  taas oo lagu cayaaray Garoonka Muqdisho Stadium, Dhanka kale goolka labaad ee ugu dhaqsiyaha badnaa ee la dhaliyo waxaa dhaliyay cayaaryahanka Kooxda Jeenyo Axmed Xasan Jimcaale cayaar kooxdiisa ay la cayaartay Naadiga Gaadiidka 19 Maajo 2021, wuxuuna dhaliyay 30 ilbiriqsi inta aan la gaarin daqiiqada koowaad ee kulanka.

Waa kuwee Cayaatoyda loo taagay Kaararka ugu badan?

  1. Daa’uud C/llaahi Tubal “Dekadaha” waxaa loo taagay  8 kaar oo Hurdi ah iyo hal kaar oo Casaan ah.
  2. Nuur Ibraahim Cali “Elman” 8 kaar oo Hurdi iyo hal kaar oo Casaan ah.
  3. Nicolas Kagba kagaba “Gaadiidka” wuxuu qaatay 8 kaar oo Hurdi ah iyo hal kaar oo Casaan ah.
  4. Faysal Aadan Craxmaan “Gaadiidka” 7 kaar oo Hurdi ah.
  5. Cali Cumar Cali “MCC”  6 kaar oo Hurdi ah.
  6. Makulo Wilson Makulo “Midnimo” 6 kaar oo Hurdi ah.
  7. Cabdirisaaq Maxamed Muuse “Midnimo” 6 kaar oo Hurdi ah.
  8. Ibraahim Ilyaas Axmed “Horseed” 5 kaar oo Hurdi ah.
  9. Xasan Siidow Hilowle “Raadsan” 5 kaar oo Hurdi ah.
  10.  Cabdimajid Cusmaan Muqdisho 5 kaar oo Hurdi ah.

Guud ahaan Calaamadihii ganaaxa ee la bixiyay: –

Calaamadda Hurdiga  = 384

Calaamadda Casaanka = 15

Wadar guud = 399

Markii ugu horreysay taariikhda Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa u dhacday heerka labaad.

Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa markii ugu horreysay u dhacday Horyaalka heerka labaad ee dalkeenna kaddib markii ay ku dhammaysatay kaalinta 9-aad ee kala sarreynta Horyaalka. Naadiga Elman 18kii kulan oo ay cayaareen 5 kulan waa ay adkaadeen,  2 kulan barbarro ayay galeen halka 11 kulan laga wada adkaaday, 21 gool ayay dhaliyeen, waxaa laga dhaliyay 25 gool, sidaasna waxay ku urursadeen 18 dhibcood.

Waa kuwee Kooxaha Goolasha ugu badan laga dhalliyay?

  1. Geeska Afrika, waxaa laga dhaliyay      69 gool
  2. Gaadiidka, waxaa laga dhaliyay             31 gool
  3. Jeenyo, waxaa laga dhaliyay                   28 gool
  4. Elman, waxaa laga dhaliyay                    25 gool
  5. Midnimo, waxaa laga dhaliyay               22 gool
  6. Heegan, waxaa laga dhaliyay                 20 gool
  7. Dekadaha, waxaa laga dhaliyay             17 gool
  8. MCC, waxaa laga dhaliyay                       12 gool
  9. Horseed, waxaa laga dhaliayay              11 gool
  10.  Raadsan, waxaa laga dhaliyay               10 gool

Waa kee Goolhayaha garoonka ka baxay kulamada ugu badan’sagoo shabaqiisa la taaban?

Goolhayaha Kooxda Kubbadda Cagta ee Raadsan Yuusuf Lambaasa ayaa noqday goolhayaha kulmada ugu badan shaqabaqiisa illaashada,11 kulan ka mid ah gool lagama dhallin 18 kulan uu kooxdiisa u saftay.

Kala horreynta Gool-dhallinta

  1. Adikaadir  Aadan Eenow              Heegan  12 (2)
  2. Farxaan Maxamed Axmed           Horseed 10 (1)
  3. Ategeka Stephen                            Gaadiidka 9 (0)
  4. Anwar Siid Cali Shakunda            Dekadaha 8 (0)
  5. Nicholas Kagaba Kagaba              Gaadiidka 8 (0
  6. Mohamed Kyeline Med                Elman 8 (4)
  7. Emereonye Chidiebere Elijah      Gaadiidka 6 (0)
  8. Ibraahim Ilyaas Axmed                 Horseed 6 (0)
  9. Nuur Cumar Xaydar                      Horseed 6 (0)
  10. Faysal Xasan Xaashi                       MCC 6 (2)

Tirada Guud ee Goolasha Horyaalka

Goolasha Caadiga ah  = 221

Rigoore = 24

Wadar = 245

Si kastaba in ka badan 60,000 oo taageerayaal ayaa daawaday cayaartii wejiga labaad ee u dhexeysay kooxaha Muqdisho City iyo Horseed oo ku tartamayay hanashada horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League cayaartaas ayaa dhacday 16-July-2021.

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button