Breaking News

SAWIRRO: Xulka kubbadda Cagta Haylaan Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caasimada Muqdisho.

Waxaa caasimada magaalda muqdiso shalay gelinkii dambe lagu soo dhaweeyay Xulka kubbadda cagta Haylaan oo dhawaan ku guulaystay koobkii gobolada Putland oo maalmo ka hor la soo gebagabeeyay.

Xulka kubbadda cagta Haylaan ayaa cayaarta fiinaalka tartanka gobolada Putland kaga adkaaday xulka Nugaaal, iyagoo koobka kaga qaaday Gool kulaadyo kaddib 90-ka daqiiqo ee cayaarta oo la isku mari waayay, waxeyna labada xul soo bandhigeen cayaar aad u qurux badan oo aad u soo jiidatay dadkii daawanayay.

Ka hor inta aysan soo gaarin caasimada Muqdisho xulka kubbadda cagta Haylaan waxaa lagu soo dhaweeyay magaalooyin badan oo kamid ah Putland tan iyo markii ay ku guulaysteen koobka gobolada Putland, soo dhaweynta xulka kubbada cagta Haylaan waxaa ka qaybgalay madax ka socoto dowlada Somaaliya iyo xubno kale oo qayb ka ah maamulada sportska ee dalka ka jiro.

Si kastaba Xulka kubbadda cagta Haylaan ayaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho waxey cayaar saaxibtimo la cayaari doonaan kooxda kubbada cagta Horseed oo ku guulaysatay horyaalka heerka koowaad ee dalka Somali Premier League Xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button