Breaking News

SAWIRRO: kooxda Kubbadda Cagta Elman SC Oo Maanta Soo Bandhigtay Macalin Cusub.

Kooxda kubbada cagta Elman SC ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigtay macalin Mahad Maxamed Xaaji oo maalmo ka hor kooxda Elman ay ku dhawaaqday inuu yahay macalinka cusub ee kooxda hoggaamin doono, Macalin Mahad Maxamed Xaaji ayaa katagay shaqada macalinimo ee kooxda Heegan 31-7-2021, wuxuu ku hoggaamiyay naadiga heegan iney ku dhammaysato kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League,

Macalin Mahad Maxamed Xaaji oo ahaa cayaaryahan hore ugu soo cayaaray kooxda kubadda cagta heegan qaybta dambe difaaca ayaa shaqada macalinimo ka bilaaway kooxda saxafi oo ka cayaarto horyaalka heerka labaad, wuxuuna ahaa macalinkii hoggaaminayay xili cayaareedkii dhammaaday kooxda kubbadda cagta  Heegan.

 Xarunta kooxda kubadda cagta Elman SC oo lagu soo bandhigay maanta hishiiska Macalin Mahad uu la galay naadiga Elman waxaa ku soo dhaweeyay kooxda Elman madaxa farsamada Yuusuf Nuur Cali (Yuu Cali)  oo hore u soo maamulay kooxaha ugu waaweyn horyaalka Somali Premier League, wuxuuna sheegay in macalin Mahad Maxamed Xaaji uu wax badan ka beddali doono naadiga Elman oo markii ugu horreysay taariikhda u dhacday horyaalka heerka labaad ee dalka xili cayaareedka 2021-2022.

Si kastaba kooxda Elman ayaa ku jirto diyaar garoow xoogan ka hor bilaabashada horyaalka heerka labaad iyo tartanka koobka General Daa’uud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button