Breaking News

SAWIRRO: Xasan Cabdinuur Geesey Xasaasi Oo Katagay Kooxda Horseed.

Kooxda kubbada Horseed SC ayaa shaacisay inuu kooxda katagay Xasan Cabdinuur Geesey Xasaasi oo kooxda u cayaarayay afartii sano ugu dambeysay, war saxaafadeed ka soo baxay naadiga kubbadda cagta Horseed oo nuqul kamid ah soo gaaray Astaan Sports ayey kooxda ku sheegtay in cayaaryahan Xasaasi uu yahay mid xur ah oo hishiis la gali karo kooxda uu rabo naadiga ayaana ugu mahadcelisay waqtikii uu la soo qaatay kooxda ku guulaysatay horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League.

Xasan Cabdinuur Geesey Xasaasi ayaa kula guulaystay naadiga Horseed labo koob oo ah koobka General Daa’’uud iyo horyaalka heerka koowaad uu la qaaday kooxda xili cayaareedkii dhammaaday 2020/2021, oo muddo 40-sanoi ah ka dib ay ku guulaysatay kooxda horseed sidoo kale waxaa loo magacaabay cayaaryahankii ugu wanaagsan horyaalka Somali Premier League xili cayaareedkii 2018/2019, markii ugu horreysay xirfaddiisa cayaareed ee kubadda cagta waxaana abaalmarin ahaan uu u helay gaari nuuca raaxada ah oo ay guddoonsiisay shirkada Astaan Sporsts.

Si kastaba war saxaafadeedka ka soo baxay maanta kooxda Horseed ayaa ku soo beegmayo xili gelinka dambe maanta naadiga horseed ay u safreyso dalka Tansaaniya si ay ugu qaybgasho tartanka Café Confederation Cup.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button