Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Heegan Oo Maanta Soo Bandhigtay Afar Cayaaryahan.

Kooxda  kubbadda cagta Heegan FC ayaa maanta soo bandhigtay afar cayaaryahan oo kooxda ku soo biirtay xiddigaha kala ah Negeeye Deeq, Mustaf Ibrahim Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cama oo ka wada tirsanaa kooxda Geeska Africa oo u laabatay horyaalka heerka labaad ee dalkeenna, ayaa kamid ahaa cayaartoyda naadiga ay la soo warreegtay, halka Yaasin Abukar Maxamed uu kaga soo biiray dagmada Shangaani sidoo kale Jabriil Xasan Aqli oo ka soo cayaaray dalka Sweden ayaa ka mid noqday saxiixyada maanta kooxda soo bandhigtay.

Naadiga uu maamulo macalin Cabdi Joon ayaa sameysay saxiixyo kala duwan maalmihii ugu dambeeyay taas oo qayb ka ah diyaar garoowga xili cayaareedka cusub 2021/2022, ee horyaalka heerka koowaad  dalkeena Somali Premier League, war saxaafadeed kooxda kubbadda cagta heegan FC, ay  ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook ayey kooxda ku soo bandhigtay afrtan cayaaryahan walloow aysan shaacin hishiisyada ay kooxda heegan ka saxiixatay cayaartoydan,

Si kastaba kooxda kubbadda cagta heegan oo ku dhammaysatay xili cayaareedkii la soo dhaafay kaalinta 3-aad ayaa ah kooxda sameysay saxiixyada ugu badanaa suuqa cayaartoyda horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League xili cayaareedka cusub 2021/2022.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button