Breaking News

SAWIRRO: Gudoomiye Ku xigeenka XSKC Oo Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa gaaray magaalada dhuusa mareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug.

Ujeedka safarka guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa ah furitaanka xafiiska ururka kubbadda cagta Galmudug iyo ka qaybgalka xaflada furitaanka horyaalka heerka kowaad ee Galmudug oo maalinta khamiista ka furmi doono magaalda dhuusa mareeb caasimada maamul goboleedka galmudug.

waxaa garoonka diyaaradaha magaalada dhuusa mareeb ku soo dhaweeyay guddoomiyaha ururka kubbadda cagta galmudug Xasan Axmed Shire iyo qaar kamid ah maamulayaasha iyo cayaartoyda  kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan caasimada Galmudug Dhuusa Mareeb.

Si kastaba socdaalka  Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa ku soo beegmayo xili tudabaadkan xiriirka kubbadda caga Soomaaliya uu tababar dhanka garsoorka ugu furay caasimada Dhuuso Mareeb qaar kamid ah garsoorayaasha xiriirka kubbadda cagta Galmudug.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button