Breaking News

SAWIRRO: Guddoomiye ku xigeenka XKCS Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeen Galmudug Cali Daahir Ciid.

Kulankan dhexmaray madaxweyne ku xigeen Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cali Shiine oo ka dhacay xarurunta madaxtooyada Galmudug, ayaa looga hadlay hormarinta cayaaraha kubbadda cagta xili dhawaan uu furmi doono tartanka degmooyinka Galmudug oo lagu qabanayo caasimada dhuusa mareeb,

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cali Shiine ayaa kulamo kala duwan  kula yeeshay caasimad dhuusa mareeb hoggaanka ururka cayaaraha Galmudug xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda xiriirka kubadda cagta Galmudug.

Si kastaba guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa maanta ka qaygalayo furitaanka horyaalka kubbadda cagta Galmudug oo ka furmayo caasimada dhuusa mareeb sidoo kale wuxuu soo xiri doonaa siminaar tababar dhanka garsoorka ah oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta u furay garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta Galmudug.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button