Breaking News

SAWIRRO: Kooda Kubbadda Cagta Heegan FC Oo Ku Jirto Diyaar Garoow Ka Hor Xili Cayaareedka Cusub.

Kooxda kubadda cagta Heegam FC ayaa saaka samaysay tababar ay ugu diyaar garooweyso xili cayaareedka cusub 2021-2022 iyo tartanka koobka General Daa’’uud oo dhawaan furmi doono.

Naadiga Heegan ayaa saaka tababar ku samaysay garoonka Eng-yariisoow waxaana tababarka maanta ka soo dhex muuqday cayaartoy naadiga ku cusub xiddigaha saaka kooxda la qaatay tababarkooda ugu horreeyay waxaa qayb ka ahaa cayaartoydii hore naadiga Geeska Afrika xiddigaha kala ah Nageeye Deeq iyo Muuse Xuseen Cali oo tudabaadkii hore kooxda soo bandhigtay sidoo kale waxaa qayb ka ahaa cayaartoyda tababarka kooxda heegan ka soo dhex muuqday cayaaryahan Jabriil oo ka yimid dalka swedan.

Cayaartoydan ku cusub kooxda kubbadda cagta Heegan oo la hadlay Astaan Sports ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ku soo biiritaanka naadiga Heegan ayna rajo wanaagsan ka qabaan iney kula guulaystaan dhammaan tartamada ay kooxda ka qaybgaleyso oo ugu horreeyo koobka  koobka General Daa’’uud oo dhawaan furmi doono.

Ugu dambeyntii waxaa guddaha garoonka Eng-yariisoow kula hadla Astaan Sportsa Macalin Cabdi Joon oo ku cusub kooxda Heegan waxaana uu sheegay inuu rajeenayo in naadiga Heegan uu kula guulaysto horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button