Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Elman SC Oo Isku Diyaarineyso Tartanka Koobka General Daa’’uud

Kooxda kubbadda cagta Elman SC oo ku jirto diyaar garoow xili cayaareedka cusub 2021-2022 horyaalka heerka labaad ee dalkeenna iyo koobka koobabka General Daa’’uud oo dhawaan furmi doono ayaa saaka tababar ku samaysay garoonka Jaamcadaha ee degmada Hodan waxaana tababarka kooxda hoggaaminayay macalin  Mahad Maxamed Xaaji oo 31/08/2021 loo magacaabay inuu yahay macalinka koowaad ee kooxda Elman SC.

Tababarka kooxda Elman waxaa saaka ka soo dhexmuuqday cayaartoy ku cusub naadiga Elman SC oo xili cayaareedka cusub ka cayaari doono horyaalka heerka labaad ee dalkeenna markii ugu horreysay taariikhda ka dib markii naadiga Elaman ku dhammaysatay kaalinta 9-aad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad xili cayaareedkii dhammaaday Somali Premier League 2020-2021.

Dhinaca kale macalinka cusub ee kooxda Elman SC Mahad Maxamed Xaaji oo Astaan Sports kula hadlay garoonka Jaamacadaha ayaa sheegay in kooxda ku soo laaban doonto horyaalka heerka koowaad sida ugu dhaqsiyaha badan isagana uu ka caawin doono wax weliba uu awoodo sidoo kale wuxuu intaa kudaray inuu rajeenayo inuu guulo waaweyn la gaaro naadiga Elman SC.

Si kastaba kooxda Elman SC ayaa maalmihii ugu dambeeyay hishiisyo muddo kordhin ah ka saxiixatay qaar kamid ah cayaartoyda ugu wanaagsan kooxda Elman SC.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button