Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Oo Ku Jirto Diyaar Garoow.

Kooxaha ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiro diyaar garoow ka hor xili cayaareedka cusub 2021-2022 horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna  Somali Premier League.

Kooxda kubbadda cagta Raadsan ayaa saaka samaysay tababar ay ugu diyaar garooweyso xili cayaareedka cusub iyo tartanka koobka General Daa’’uud oo dhawaan furmi doono, naadiga Raadsan oo xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021 soo bandhigtay qaab cayaareed cajiib ah ayaa ku dhammaysatay kaaalinta saddexaad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad  Somali Premier League.

Tababarka saaka kooxda Raadsan ay ku samaysay garoonka Macquul Stadium ee dagmada waaberi waxaa ka soo dhexmuuqday wejiyo ku cusub naadiga Raadsan wallow cayaartoyda qaar ay ku maqnaayeen fasax, macalin Maxamed Cabddulle Farayare oo ah macalinka koowaad ee kooxda Raadsan ayaa Astaan Sports ugu warbixiyay diyaar garoowga ay ugu jiraan xili cayaareedka cusub isagoo sheegay iney soo bandhigi doonaan cayaartoy cusub oo kooxda ku soo biiri doono maalmaha soo socdo.

Si kastaba kooxda kubbadda cagta Raadsan ayaa aheyd kooxda laga dhaliyay goolasha ugu yar xili cayaareedkii la soo dhaafay waxaana jiro is beddalo maamul iyo cayaartoy oo kooxda lagu sameeyay bilihii ugu dambeeyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button