Breaking News

SAWIRRO: Cayaartoy Cusub Oo Saaka Ka Soo Dhexmuuqday Tababarka Kooxda Dekaddaha.

Tababarka kooxda kubbadda cagta Dekaddaha saaka waxaa ka soo dhexmuuqday cayaartoy cusub oo qayb ka ah qorshaha naadiga Dekaddaha, waxaana kamid ahaa cayaaryahankii hore ee kooxaha Jeenyo iyo Horseed Maxamuud Cabdinuur Meyma kaas oo xili cayaareekii dhammaaday kula guulaystay horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League kooxda kubbadda cagta Horseed.

Cayaaryahan Maxamuud Cabdinuur Meyma oo Astaan Sports kula hadlay garoonka Tayo Stadium oo saaka ay tababarka ay ku samaysay kooxda Dekaddaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ku soo biiritaanka naadiga Dekaddaha rajo wanaagsana uu ka qabo inuu kula guulaysto tartanka koobka General Daa’’uud iyo horyaalka heerka koowaad Somali Premier League.

Dhinaca kale macalinka kooxda Dekaddaha Rashiid oo la hadlay Astaan Sports ayaa sheegay in kooxda labadii tudabaad ee ugu dambeeyay ay ku jirtay diyaar garoow ayna xooga saari doonan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen dhammaan tartamada ay kooxda Dekaddaha ka qaybgaleyso xili cayaareedka cusub 2021-2022 uuna rajeenayo in kooxdiisa kula guulaysto koobab waaweyn uu kamid yahay horyaalka Somali Premier League, wuxuuna intaa kudaray iney jiraan xiddigo cusub oo kooxda ka soo dhexmuuqan doono xili cayaareedka cusub.

Si kastaba naaadiga kubbadda cagta Dekaddaha ayaa ku dhammaysatay kaalinta 5-aad ee kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button